Thursday, April 18th, 2024
header










Meta







Abuurida guddi dhaqaaleyahan oo lagu amaanay dawlada

Abuurida guddi dhaqaaleyahan ayaa lagu amaanay dawlada. Somaliya intey burburiyeen kooxihii indhaha la’aa ee S-tu ugu wada horeysay ee ay taageeri jireen reer galbeedka iyagoo lacagta iyo hubka u soo mariya Itoobiya, cagaheeda kuma istaagin.



Tan ugu weyn ayaa ah ayadoo dalku helin madax aqoon leh oo ka saarta burburka xoogan lana timaada siyaasad dhaqaale oo hufan. Waxana bedelkeeda batey fiqiirnimada iyo intii yarayd ee aqoonta lahayd oo dalka ka cararta.

Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay shalay aqoonyahano dhinaca dhaqaalaha ah, oo dejiya siyaasada dawlada iyo dhaqaalaha dalka. Inkastoo dadkan ay ku jiran ajaanuib la yaqaano heerkooda khabiirnimo iyo daacada ay u yihiin hawsha loo dhiibey.



Aqoonyaganada dhaqaalaha ayaa saadaalin ka bixiya heerka kobaca dhaqaale e dalka isla markaana tilmaama meelaha ugu haboon ee laga mari karo siyaasada dhaqaale si oo helo dal ay miisaaniyadiisu dhan tahay ama is bixin kara.

Dalka ayaa sidan hadda uu ku socdo aan ku shaqayn karin ayadoo miisaaniyada ugu badan ay ku baxdo difaaca shacabka.



Waxa dalka ku hoos nool malaayiin ajaanib ah oo si raaxa ah ugu nool dhaqaalaha geli lahaa dalka ha ahaato dhinaca ciidamada oo la horjoogo in dalku ciidan yeesho ama ha noqoto dhinaca wax soo saarka oo argagixisadu fadhido dhulkii muhiimka ahaa.



Marnaba lama filan in Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay dalka kor u qaadaan dhaqaalihiisa ama hore ka dhisaan ciidan qaran oo tayo leh, waxana muuqata in ayna ku joogin talaabadii dalku ugu istaagi lahaa cagahiisa.



Mana jirto siyaasad hufan aan ka ahayn isku geynta kharashaadka ka soo baxa Muqdisho iyo deegaanada ku dhow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...