Monday, November 19th, 2018
header

Argagixiso oo uu ku dhacay xukun maxkamad: SAWIRO

Argagixiso oo uu ku dhacay xukun maxkamad. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 5 ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta.



Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale ay ka wada tirsan-yihiin Koox gaar ah oo ay ula baxeen (jugta Culus) taas oo loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidamada amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.



Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Al-Shabaab Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale ,Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku dhawaaqay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Aqoonyahan C/rashiid Cabdi Jaamac oo daboolka ka qaaday dareenka dhalinyarada reer Awdal

November, 18, 2018
Aqoonyahan C/rashiid Cabdi Jaamac ayaa daboolka ka qaaday ...

Wefti ka socda jaamacadaha Carabta oo Burco tagey iyo ujeedada

November, 18, 2018
Wefti ka socda jaamacadaha Carabta oo Burco tagey. ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley dakhliga dawlada oo kordhey: SAWIRO

November, 18, 2018
Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Muuse Biixi oo socdaal ku tagey Berbera iyo safarkiisa oo lagu arkin jufadiisa

November, 18, 2018
Muuse Biixi ayaa  u safrey Togdheer iyo safarkiisa ...

Madal looga hadlaayay halyey sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo Jigjiga ka dhacay

November, 17, 2018
Madal looga hadlaayay halyey sayid Maxamed Cabdulle Xasan ...

Dhacdooyinka

Dabley lagu daba jirey oo lagu qabtey Muqdisho

October, 24, 2018
Dabley lagu daba jirey oo dadka dhib badan ...

Waxaad arki doontaan Muuse Biixi oo guriga loogu daatey: Jeneraal Caare

October, 14, 2018
Jeneraal Caare ayaa soo dhaweeyay ku xigeenkiisa jeneraal ...

Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey xasuuuqii 14 Oktoober

October, 14, 2018
Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey ...

Wuu baxay af maaha ee Sucuudiga ha sheego halka suxufi Khasooqi maray: Erduqaan

October, 9, 2018
Erduqan ayaa dalbadey in Sucuudigu cadeeyo halka uu ...

Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland: siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi oo taabtey

October, 8, 2018
Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland raadin ...

Dhacdo ugub ah: dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab

October, 6, 2018
Dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ...

Dawlada Qadar oo duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo nooca ay tahay

October, 6, 2018
Dawlada Qadar ayaa duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo ...