Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Arin mucjiso oo ka dhacdey gobolka Bay

Arin mucjiso ayaa ka dhacdey gobolka Bay.

Arrin mucjiso ah ayaa haysata gabar ku nool Gobolka Baay ee deganada Koonfur Galbeed oo korkeeda uu dab ka kacaayo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.



Gabadhan oo marwo ah ayaa isaga carartay Magaalada Baydhabo, waxayna hadda joogta Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kadib markii saddex guri oo ay ka degtay Magaalada Baydhabo uu saameeyay dabka korkeeda ka kacaayo.

Mucjisada haysata gabadhaan ayaa ah mid xag alle ka timid oo dadka illaa hadda ay la yaaban yihiin, maadaama jirkeeda gabadhaan uu dab ka kacaayo oo haddii guri ay joogto uu saameynaayo dabka, gurigana uu gubanaayo.

Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Ibraahin Roobow, ayaa sheegay arrintaan inay tahay mid mucjiso ah, haddana gabadha ay joogto Degmada Bardaale oo ay isaga soo carartay Magaalada Baydhabo.



“Marka Dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale.



Arintaan oo mucjiso ah, ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale, wuxuu sheegay inay tahay mid ay aad ula yaaban yihiin, balse dadaalka hadda socda uu yahay kaliya mid gabadha qur’aan lagu saaraayo

Waa dhacdo ku cusub deganada Soomaalida in la arko qof dab korkiisa uu ka kacaayo, uuna saameynaayo goobta ay ku sugan tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...