Tuesday, September 25th, 2018
header

Barlamaanka Somaliya oo war adag ka soo saaray shirkada Carabta ee Dubay World

Barlamaanka Somaliya ayaa war adag ka soo saaray shirkada Carabta ee Dubay World oo madaxoodu sheegay in dawlada dhexe ayna waxba ka khusayn oo meeshay rabaan heshiis la galayaan.



Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay heshiis shirkadu ku qaybsatey dekedda Berbera oo ay la saxiixatey Dawladda Itoobiya iyo maamulka soomaaliland oo xildhibaanada halkasina diideen.

Dood ka dib 168 Xildhibaan ayaa ansixiyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.



Xeerka ayaa lagu sheegay in shirkadan Carabtu ku xadgudubtey madax banaanida dalka melena uga dhacdey isku duubnida ummada Somaliyeed si kibirsan u baalmartey halka saxda.

Somalida ayaa Imaaraadka geliyay malaayiin doolar ayagoo wax ka soo iibsada halka Imaaraadku waxba ka iibsan Somaliya hadana rabo kheyraadkooda.

Waxaa kaloo xeerkan lagu xusay in marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka uu Madaxweynaha ku meel marin doono xeer Madaxweyne, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka



Sidoo kale qodobada Xeerka ku jira ayaa ah kuwa calculus oo ay ka mid yihiin in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Go’aankas gaarsiiyo Madaxda Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Hoos ka akhri



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Xisbiga Wadani oo sheegay in Muuse Biixi xabsiga u taxaabay tiro badan muddo yar

September, 25, 2018
Xisbiga Wadani ayaa sheegay in Muuse Biixi xabsiga ...

Badhasaabka Awdal oo ka hadley mooshin ka yaala maayerka

September, 25, 2018
Badhasaabka Awdal ayaa ka hadley mooshin ka yaala ...

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadley heego iyo dhismooyinka degmooyinka

September, 25, 2018
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadley heego iyo ...

Hay’adda socdaalka oo xafiis ka furatey Buuhoodle: SAWIRO

September, 25, 2018
Hay'adda socdaalka ayaa xafiis ka furatey Buuhoodle. Munaasabadda lagu ...

Maamulka Somaliland oo u dabaaldegay maalinta wahaabiyada Sucuudiga

September, 24, 2018
Maamulka Somaliland ayaa u dabaaldegay maalinta wahaabiyada Sucuudiga. Wahaabiyada ...

Dhacdooyinka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

September, 9, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ...

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

August, 10, 2018
Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada ...

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

August, 10, 2018
Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo ...

Boqolaal ayaa inooga dhintey Tukaraq sii socod daaye dibaa laynoo soo celin: Axmed Muuse

August, 8, 2018
Been yaan laydiin sheegin boqolaal ayaa inooga dhintey ...

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

August, 7, 2018
Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ...

Haween caruurtooda kala cararay argagixisada oo lagu xirey Xarardheere

August, 7, 2018
Haween caruurtooda kala cararay argagixisada ayaa argagixisadu qabatey ...

Deg deg: Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo sujuudsan oo la khaarajay

August, 5, 2018
Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo ...