Thursday, March 28th, 2024
header










Meta







Boobkii Maxamuud Xaashi iyo Baashe Moorgan oo Ilaahay khashifay by Caasha Jaamac

Xaaraantii, Xaqdaradii & Xoola Urusigii, oo Madaxtooyadii, Maxamuud Xaashi

& Baashe Moorgan, oo Ilaahay Kashifay, oo Wabaahintu Aduunku Toosh la daba

gashay beentii, oo 35 Sano & 450 Milyan, & Iimaaraadkii oo Dacwad laga Gudbiyey.

Horta Nin Sigtay ma nabad geli, Kooxda Raga & Dumarka ee Madaxtooyada Ka Taliya & Labada Odey ee Siilaanyo & Saleebaan

Gaal maanta ayaa godkoodii Dab & Naari ugu soo gashay, Kolkay marar hore ku nabad galeen xaaraan, xaqdaro, kibir & Ilsawe-

yni, taasoo ah hanti-boob Deked, Haamihii, Guryihii, Airportyadii & Goobihii Waxbarashada, oo intay aduunka soo wada dhig-

teen, Beero & Daaro dhaadheer kuwa samaysteen, aan laba cali is weydiin, oo Daba gal, Hanti-dhawr, Maxamed ka hadli kartaa

jirin sharci & dastuur qabanayaa jirin, ee ay xaaraanta Dhiil aduun & Midkii aakhiraba ka buuxsadeen.

Bal Hadaba, Wasiir Muhanad ayaa ku andacooday Heshiis maanu keenin ee nuxur ayuu ahaa wixii golaha la keenay, hadana

wuxuu calyacalyey, markaanu Iimaarka geyno ayaanu sharciyeynaynaa, wuxuu kaluu yidhi Mashaariic ayaanu ka helaynaa oo

ay ku jirto, wixii ay ku hadaaqi jirin markii hore ee heshiiskii dekeda, ayuun baa tan Saldhigana ku jirta.

Bal Hadaba, Baashe Moorgan, & Muhanad Cirkiibaa ku soo dumay , oo intay odayo aan waxna akhriyin hor keeneen warqad

taab lagu soo qoray ay ugu sheeheen heshiis, Saleebaan Gaalna ka dhex botoriyey, ayey ku andacoonaya hor dhac ayuu ahaa

ama nuxur.

Hadaba Wasiirku wuxuu caayayaa, ama meel ka dhacay, Somaliland intaas ay jirtay sharcigii & Dastuurkii ay ku soo dhaqantay

oo uu ka dhigay, waxay Baabi,in karaan Isaga & Qoyska boqortooyada Wadanka ku haysta, Waa Siilaanyo & Islaantiisa, kuwa

hablihiisa qaba, kuwuu adeerka u yahay, & Saleebaan Gaal oo qabyyalad cad ugu afduubay Golihii.

Sidaas Darteed, Madaxtooyadii alla maxaa ku dhacay , Maxamuud Xaashi & Baashe Moorgan maxaa ku dhacay.

Wasiirka & Moorgan waxay sheegeen Mashaariic, laakiin Saldhig Milatari Mashaariic ma leh, ee 450. Milyan oo doollar

Calooshii wax ka weyn la geliya way dilaacdaa.

Madaxtooyadii, Maxamuud Xaashi, Baashe Moorgan, Samsam, Aamina Weris oo Berberi ku noqatay wedkii dilayey oo

ah Hunguri wedkii ma arko.

Kolkaasii Sawtan Madaxtooyadii Maskii Dulmiga eey dabada haysteen, Madaxii ku soo rogay.

sawtan Madaxtooyadii Xoolihii & Xaaraantii ay liqeen, gurteen, ay liqi kari la, yihiin ee qulaanqulaha u dhaafi la.

Alla Madaxtooyadii Malafsato, Miliqsito, Murdiya, sawtan Malagii dul yimide, ee Berberi Belaayo boqnaha gooysay ku noqotay.

Madaxtooyadii oo Miliqsigii Xaaraanta, Xaqdaradii Xoola urursiga, Booligii & Belaayo Gurashadii, Bankigii & Dhiilkii Cuqubadu

ku buuxsamay, oo baroortii & Baala xooftadii ka dhamaatay, ee Baroor & Been Warbaahinta la fadhiistay.

Anigaa Qoray.

Ilaahoow Somaliland kuwan Murdiyey, diirtay, daaqay, dantii guud dabar jaray , ee duleeyey sharcigii, ee Dastuurkii daaqadaha

ka tuuray, Wadanka wax ka duuba oo Dabar gooya u keen, oo kuwa daacada oo diinta yaqaan, oo danta guudna Ilaasha, Ilaah-

oow degdeg nooguba keen.

Wabilaahi Tawfiiq.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...