Cabduwelli Gaas oo la sheegay inay diidey diyaarad u qaadi lahayd Dhuusamareeb
Cabduwelli Gaas ayaa la sheegay inay diidey diyaarad u qaadi lahayd Dhuusamareeb. Arrintaan ayaa loo sababeeyay in ay ka dambeysay in Diyaaradu aysan qaadeyn Boorsooyin aan la baarin maadama horay loo bartay in aan wax baaritaano ah aan lagu sameyn Boorsooyinka ay leeyihiin dadka Madaxda ah.
Mudo isjiid jiid kadib ayaa Diyaarada ay leedahay UN-ka waxa ay go’aan ku gaartay in aysan qaadin Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiinta la socotay ilaa laga baaro Boorsooyinka ay wataan taas oo keentay in Diyaaradu ay duusho iyada oo aan sidin wax rakaab ah.
Dhinaca kale Saraakiisha la socotay madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa iyana diiday in la baaro Boorsooyinka uu wato madaxweyne Gaas iyo Madaxda la socotay.
Sikastaba dhammaan madaxda kala duwan ee tagtay Dhuusa Mareeb ayaa loo diiday in ay hubka la galaan Magaaladaas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...
February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...
February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...
February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...
February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...