Araabi oo loo magacaabay degmo buuxda. Waxa caawa farxad iyo badhaadhe laga dareemayaa Araabi ee ismaamulka Somaslida Itoobiuya kadib marki loo magacaabay degmo buuxda. Araabi ayaa muddo hore u qalantey waxase yimi waqtigii lagu dhawaaqi lahaa.
Araabi ayaa ah magaalo qadiimiya oo ku taal isgoys looga kala gudbo magaalooyinka waaweyn ee Jigjiga, Diridhaba iyo Boorama oo tan ugu dheeri u jirto 180km.
Dadweynaha caasimada Araabi ayaa iskugu hambalyeeyay farxada degmo-nimada taas oo ka dhigan in magaalada heli doonto adeegyada ay aadka ugu baahan tahay sida wado laami ah, koronto joogto iyo xarun caafimaad oo tayo leh.
Qurbajoogta u dhalatey deegaanada Araabi caasimada u tahay ayaa dhinacooda ka tiiriyay sidii degmada kor loogu qaadi lahaa qaasatan dhinaca waxbarashada.
Araabi ayaa caasimad u ahaa ilaa 25 tuulo oo hoostaga. Waxay dhamaan dadweynaha degmada Araabi iyo hareeraheeda oo ay ku noolyihiin 45,000 oo qof hambalyo u dirayaan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Hoos ka daawo sida kalfadhigu gacanta ugu taagey
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=CzJBQZ3NgiE[/embedyt]
ARAABINEWS