Thursday, March 28th, 2024
header










Meta







Dawlada oo war ka soo saartey xariga C/raxmaan C/shakuur

Dawlada ayaa war ka soo saartey xariga C/raxmaan C/shakuur oo xalay saqdhexe gurigiisa ay tageen ciidanka dambi barista si loo baaro laakiin lagala horyimi iska caabin adag.

War laga soo saaray arintaa ayay dawladu ku sheegtay in arintan la xiriirtey dambiyo ay shaaca ka qaadeen xeer ilaalinta qaranka oo shalay laba nin oo xildhibaana codsaday in xasaanada laga qaado.



Labadan xildhibaan ayaa lagu eedeeyay qaran dumis iyo inay u shaqeeyaan dawlado dano burburis ka leh dawlada iyo shacabka Somaliyeed.

Hoos ka akhriso warmurtiyeedka

Hay’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hay’adaha sharciga ah, ayaa xalay abaarihii 11.30 habeenimo ayey guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hay’adaha amniga tageen gurigaas muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro iyadoo la waday warqadii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.

Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hay’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga.

Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayey ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba ay gacanta ku soo dhigeen.

Sidoo kale waxay hay’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsanyahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.



Tallaabadaas oo hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayey awaamiirtii hay’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal danbiyeed.



Sidaas daraadeed, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo sharci-fulinta, iyadoo Dowladda Federaalka ay dammaanad qaadeyso xaquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka.

Muwaadinkan waxuu helayaa baaris hufan waxaana la horgeynayaa maxkamada awooda u leh oo uu ka heli doono caddaalad.



Ugu danbeyntii, shacabka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni. Muwaadin kasta waxaa waajib ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka uu ka horumariyo danihiisa gaar-gaarka ah.

Hoos ka dhegeyso

Dhamaad

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...