Wednesday, April 24th, 2024
header










Meta







Dawlada Somaliya oo go’aan ka qaadatey talaabada xagjir Trump ee Al-Qudus

Dawlada Somaliya ayaa go’aan ka qaadatey talaabada xagjir Trump ee Al-Qudus.

Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay go’aanka xasaasiga ah ee uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, ayaa ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe.



Bayaanka Dowladda Soomaaliya ayaana u qornaa sidatan:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Yuhuuda.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan Caalamka.



Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.



Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Dhamaad

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...