Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Dirxi nool oo laga soo saaray maskaxda nin muddo ka cabanayay madax xanuun saa’da

Dirxi nool ayaa laga soo saaray maskaxda nin ku nool dalkaasi Maraykanka oo muddo badan ka cabanayay madax xanuun saa’da. Ninkan oo lagu magacaabo Luwiis Ortis ayaa isbitaal la dhigey kadib wuxuu ku tilmaamay madax gartaac kii ugu xuma ee uu abid la kulmo. Luwiis Ortis ma sheegin sida dirxigu ku galay waxase inta badan laga soo qaadaa dhulka kaymaha ee dalxiiska loo tago.

Luwiis Ortis ayaa la dhigey isbitaal ku yaala gobolka CaliFornia waxana loo sheegay in uu haysto 30 mirir oo uu ku noolaado. Qaliin lagu sameeyay madaxiisa ayaa laga soo saaray dirxi nool oo islaba rogaya markii loo sheegayna Luwiis Ortis waa naxay.

Dirxiga ayaa ku korey madaxa Luwiis Ortis wuxuuna ku sigtey in uu kala jaro biyaha iyo hawada u kala gudbaya qaybaha maskaxda. Baaris lagu sameeyay maskaxda ninkan ayaa lagu arkay waynida dirxigan.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay marka dirxigu galo jirka waxa qaraxda ukunta taas oo ku korta jirka qofka keentana madax xanuunka weyn ee uu dareemay Luwiis Ortis.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii ilaa kun qof laga soo saaro dirxigan ku korey maskaxdooda. Ninkan ayaa loo sheegay hadii uu sugi lahaa muddo in aanu joogeen dunida. Luwiis Ortis ayaa hadda dib ugu laabtey waxbarasho uu ka watay jaamacad ku taal California.

Xoolaha cuna doog dirxi leh ayaa u soo gudbiya dadka siiba marka ay cunaan hilib aan si fiican loo Karin wuxuuna ku badan yahay wadamada soo koraya. Dirxiga ayaa inta badan ku nool mindhicirada waxayna soo raacaan saxarada qofka.

Waxa looga hortagaa nadaafada cuntada aad cuneyso oo si fiican loo kariyo iyo khudrada oo si fiican loo maydho.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...