Tuesday, September 25th, 2018
header

Faahfaahin weerar isqarxin oo argagixisadu ku qaaday Muqdisho oo hadda la soo afjaray

Faahfaahin weerar isqarxin oo argagixisadu ku qaaday wasaarada arimaha gudaha iyo tan amniga oo isku hal guri ah kuna dhow taalada Sayidka ahna goobtii hore loo oran jirey Ooto ooto ama halkii ay ka soo bixi jireen mootooyinka galbin jirey madaxwynihii qaranka burburey Siyad Barre aya hadda la soo afjaray.



Sida dad ka agdhow wasaarada ay sheegeen argagixisada ayaa sidii caadiga ahayd gaari ku qarxisay afaafka wasaarada kuna dishey ilaalada wasaarada iyo dadkale oo masaakiina.

Kadibna waxa la sheegay in naftii halige ka tirsan dhiigmiiratada uu isku qarxiyay gudaha wasaarada. Goobta oo ciidan ku filan weerarada fuleynimo ay ka ag dhowyihiin ayaa markiiba ku baxay.



Waxa wararkii u dambeeyay sheegayaan in sadex argagixiso halkii lagu diley la soona badbaadiyay shaqaalihii wasaarada iyo shacabkey u adeegaysay.



Dawlada ayaa inta badan lagu eedeeyaa inayna waxba ku qaadan weerarada fuleynimo ee argagixisadu shacabka ku xasuuqayso ayadoo isla si u isticmaalaan weerarada ay fuliyaan ama isla huteelkii ay haddana qarxiyaan.



Argagixisada ayaa waxa warka siiya isla shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha iyo huteelada.

Ma jirto qasaare dhab ah oo dawladu ka soo saartey inkastoo hadda la xaqiijay dhimashada Maxamed Axmed Ilkacase oo xoghaye u ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha C/raxmaan Odawa xilligii Xasan Sheekh oo isaga laftiisa la sheegayo inuu dhaawacmey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Xisbiga Wadani oo sheegay in Muuse Biixi xabsiga u taxaabay tiro badan muddo yar

September, 25, 2018
Xisbiga Wadani ayaa sheegay in Muuse Biixi xabsiga ...

Badhasaabka Awdal oo ka hadley mooshin ka yaala maayerka

September, 25, 2018
Badhasaabka Awdal ayaa ka hadley mooshin ka yaala ...

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadley heego iyo dhismooyinka degmooyinka

September, 25, 2018
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadley heego iyo ...

Hay’adda socdaalka oo xafiis ka furatey Buuhoodle: SAWIRO

September, 25, 2018
Hay'adda socdaalka ayaa xafiis ka furatey Buuhoodle. Munaasabadda lagu ...

Maamulka Somaliland oo u dabaaldegay maalinta wahaabiyada Sucuudiga

September, 24, 2018
Maamulka Somaliland ayaa u dabaaldegay maalinta wahaabiyada Sucuudiga. Wahaabiyada ...

Dhacdooyinka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

September, 9, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ...

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

August, 10, 2018
Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada ...

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

August, 10, 2018
Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo ...

Boqolaal ayaa inooga dhintey Tukaraq sii socod daaye dibaa laynoo soo celin: Axmed Muuse

August, 8, 2018
Been yaan laydiin sheegin boqolaal ayaa inooga dhintey ...

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

August, 7, 2018
Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ...

Haween caruurtooda kala cararay argagixisada oo lagu xirey Xarardheere

August, 7, 2018
Haween caruurtooda kala cararay argagixisada ayaa argagixisadu qabatey ...

Deg deg: Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo sujuudsan oo la khaarajay

August, 5, 2018
Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo ...