Thursday, October 18th, 2018
header

Gabadh shan jira oo laga badbaadiyay nin gaari Hindi wata oo la baxsan rabay

Gabadh shan Jira ayaa laga badbaadiyay nin gaari Hindi wata oo la baxsan rabay. Xilliga dhacdadaan foosha xun ka dhacayso Muqdisho ayaa dadka dhegahooda uu ka batey dhacdooyin foolxun oo Somalida ku soo kordhey.



Dhacdadaan ayaa ka dhacdey Muqdisho gaar ahaan isgoyska dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ee aadka u mashquulsan. Sida la xaqiijay aabaha dhalay gabadha ayaa ka degay gaari Hindiga bajaajta loo yaqaan.



Aabaha ayaa u degay si uu lacagta u siiyo ninka wata gaari bajaajta oo isaga iyo gabadhu la wada socdeen. Intii uu lacagta soo bixinaayaan ayaa bajaajluhu hore ka dhaqaaqay..

Intaasi kadib aabaha dhalay ayaa ka daba qayliyay loomase joojin. Waxa loo wacay ciidanka amniga oo nasiib wanaaga aan sidaaba uga fogeyn goobta.



Waxay ciidanka amnigu ku guulaysteen inay gaari bajaajlihii la baxsadey gabadha shan jirta ah gacanta ku dhigaan, kuna bilaabaan baaritaan sababta uu ula baxsadey.

Ilaa hadda wax wara lagama soo saarin sababta ninkaan ula baxsaday gabadha yar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Danab xoolo badan ku laayay tuulo ka tirsan gobolka Galguduud: SAWIRO

October, 18, 2018
Danab xoolo badan ku laayay tuulo ka tirsan ...

Maxaa ka jira in Itoobiya xireyso xadka ay la wadaagto Woqooyi Galbeed

October, 18, 2018
Maxaa ka jira in Itoobiya xireyso xadka ay ...

Waxbarashada dugsiyada sare ee Somaliya oo weji cusub oo dhaxagala loo jiheeyay

October, 18, 2018
Waxbarashada dugsiga sare ee Somaliya ayaa weji cusub ...

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo soo faqdey sababtii keentay in Farmaajo iscasilo 2011

October, 18, 2018
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo faqdey sidii ...

Raiisal wasare Xasan Cali oo ka jawaabay suaal wasiir Maareeye weydiiyay oo ahayd Somaliland

October, 18, 2018
Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka jawaabay ...

Dhacdooyinka

Waxaad arki doontaan Muuse Biixi oo guriga loogu daatey: Jeneraal Caare

October, 14, 2018
Jeneraal Caare ayaa soo dhaweeyay ku xigeenkiisa jeneraal ...

Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey xasuuuqii 14 Oktoober

October, 14, 2018
Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey ...

Wuu baxay af maaha ee Sucuudiga ha sheego halka suxufi Khasooqi maray: Erduqaan

October, 9, 2018
Erduqan ayaa dalbadey in Sucuudigu cadeeyo halka uu ...

Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland: siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi oo taabtey

October, 8, 2018
Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland raadin ...

Dhacdo ugub ah: dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab

October, 6, 2018
Dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ...

Dawlada Qadar oo duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo nooca ay tahay

October, 6, 2018
Dawlada Qadar ayaa duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo ...

Hay’addaha dibedda xafiisyada ku leh oo dalka laga madnuuci doono

October, 4, 2018
Hay'addaha dibedda xafiisyada ku leh oo dalka laga ...