Sunday, September 23rd, 2018
header

Guurka khariban iyo dooda hablaha geeska

Waxaan maalin dhawayd beer caruurta lagu ciyaarsiiyo kula kulmay, gabadh hooyo soomaaliyeed ah, wadata labo wiil oo yaryar.

Saas ayeey noo eegtay, oo durba nolosha Qoyskeeda nooga dhacday: Waxaan ahaa, bay tiri, hablahii boostada la soo dhigay oo lagu daray nin ay ehel yihiin, laakiin aanan aqoon iyo niyad midna u hayn.



Halkan markaan ugu imi, waxuu ila dejiyey walaashii, waa dumar iyo caadadood e durba waan isku dhacnay, xiriirkeenii isaga iyo aniga ayeey saamaysay arintii.

Afar carruur ah ayaan u dhalay, waan kala tagnay ugu dambayna maxakamadda ayaa carruurtii iga qaaday isagaana lagu warreejiyey. Hadda hal xaafad ayaan ku wada noolnahay mase arko carruurtayda.



Waxay tiri, iyadoo sii wadda hadalka, hadda waxaa i qaba wiil aan markii horeba isjeclayn oo markuu maqlay, in aan ninkii kala tagnay boostada lay soo dhigay afaaro qabiil, I soo raadiyey. Labadan wiil isagaa dhalay, ilmahii 3aad ayaan hadda caloosha ku sidaa.



Sheekada inta ay noo waday, waxay muujinaysay dareen shalay ka muuqdo in dambi kastoo qabiil loogu geystay haddana haddii ay aqoonteeda iyo garaadkeeda leedahay carruurteeda iyo qoyskeeda badbaadsan lahayd, sida ay tiri; ma dhib yara caruuraha aabayaasha kala duwan, waloow uu wiilkan i qabaa yahay nin wanaagsan.

Samsam Cilmi Shabeel



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Faahfaahin Qarax kooxda gaaleynta Muslimiintu ka fulisay Muqdisho: SAWIRO

September, 22, 2018
Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baaysa qarax kooxda ...

Somalida oo weli shaaha ku shubata falaasado suna

September, 22, 2018
Somalida ayaa weli shaaha ku shubata falaasado suna ...

Sheekh Dirir oo sharaxay xeer gaalo laga soo guurey oo Muuse Biixi ansixiyay

September, 22, 2018
Sheekh Dirir ayaa sharaxay xeer gaalo laga soo ...

Puntland oo fasirtey hadal reer Baydhabo ka caraysiiyay

September, 22, 2018
Puntland ayaa fasirtey hadal reer Baydhabo ka caraysiiyay ...

Maxkamada ciidanka oo dil ku riday askari iyo waxa uu sameeyay

September, 22, 2018
Maxkamada ciidanka ayaa dil ku fulisay askari. Askariga xukunka ...

Dhacdooyinka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

September, 9, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ...

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

August, 10, 2018
Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada ...

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

August, 10, 2018
Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo ...

Boqolaal ayaa inooga dhintey Tukaraq sii socod daaye dibaa laynoo soo celin: Axmed Muuse

August, 8, 2018
Been yaan laydiin sheegin boqolaal ayaa inooga dhintey ...

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

August, 7, 2018
Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ...

Haween caruurtooda kala cararay argagixisada oo lagu xirey Xarardheere

August, 7, 2018
Haween caruurtooda kala cararay argagixisada ayaa argagixisadu qabatey ...

Deg deg: Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo sujuudsan oo la khaarajay

August, 5, 2018
Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo ...