Thursday, April 18th, 2024
header










Meta







Guurkii lagu kala booday galbeedka London iyo sababtii keentay

Maalintii Isniinta ahayd kuna beegnayd 3-7-2017 ayaa Hoolka Aroosyada iyo xafladaha kale ee Dheeman kuna yaala galbeedka London loogu ballansanaa in la dhiso guri cusub, la iskuna guuriyo laba dhallinyara Soomaaliyeed ah.

Is aragii koobaad ma aysan ahayn ee waxaa qorshuhu ahaa in MEHERKA iyo arooskaba isku mar dhacaan gabadhana loo galbiyo gurigeeda cusub.

Waa la casuumay labada qoysba ehelkooda iyo asxaabtooda, waxaana la diyaarshay wax walba oo looga baahnaa xaflad aroos, sida raashin nuuc walba leh.

Waxaa kaloo goobta diyaar ku ahaa SHIIQII isku meherin lahaan lammaanaha.



Sida badan Meherka ayaa howsha laga bilaabaa ka dibna raashinka iyo xafladaynta ayaa la galaa.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee wakiilka gabadha wilaayadeeda hayey la is arkay, ayuu sheegay in gabadha MEHERKEEDA ay ka dhigatay 15000 oo lacagta Ingiriiska ah una dhiganta ku dhawaad 24 kun oo doolarka Maraykanka taasoo uu diiday wiilkii gabadha guursanayey.



Waxaa la isku dayey in la isku soo dhaweeyo labada dhinac laakin qolo walba meel ayey ku dhegtay, waxaana la sheegay gabadha hooyadeed in ay tiri wax qiimahaas ka yar gabadhayda meher u noqon maayaan, halka wiilkiina uu diiday in uu aqbalo meher intaa la eg.



Waxaa dhacday in Hoolkii lagu kala yaacay raashinkiisa Masaajidka la geeyey, goobtii farxaddana isku badashay meel la isku wada caraysanyahay oo camanka la wada tuubayo.

Bal gartaa gala asxaabeey, yaa eedda leh?

Aniga ra’yi ahaan waxaan leeyahay wiilkaas nasiib ayuu lahaa, inta uuna badweyn kacsan dhex istaagin ayuu bad-baadey, inkastoo hanti ka qasaartay, qarashna galay.

Qisadaan waa mid dhab ah maadama ay la yaab ila noqotay in aan idinla wadaago ahaan jeclaaday

Qoraalku waa Professor

Abdifitah Mohamed Xaambe

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...