Sunday, September 23rd, 2018
header

Horjoogeyaashii ku fashilmey shirkii Kismaayo oo shuruud la filaayay keenay

Horjoogeyaashii ku fashilmey shirkii Kismaayo ayaa shuruud la filaayay keenay. Warqad ay war ku soo qoreen ayaa shanta horjooge ee Cabdiwelli Gaas, Shariif Xasan, Xaaf, Waare, iyo Axmed Madoobe dalbadeen in ahaanib soo kala dhexgasho.

Waxa dadka badankiisu qabaan in wakiilka qaramada midoobey u fadhiya Somaliya Maykal Kiinting oo u dhashay Ingiriska uu yahay kan talada siinaya si ay u fushadaan hawlihiisa curyaamin.



Waxa kale oo dibedda ka riixaya oo si cadaana loo ogyaha Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Fashilka ku yimi shirkoodii Kismaayo ayaad ka arkeysay dadka deegaanada ay sheegteen oo caro mooyee ka muujin wax taageero.

Su’aasha aad is waydiinayso ayaa ah haddii Somaliya sidan loo hor istaagi karo xilligii la doono kadibna la oran karo ajaanib noogu yeera si loo fuliyo danaha goboleysi ee lala rabo dalka, maloo baahan yahay nidaam goboleysi (federaal) oo horjooge kasta ku kibro, isna moodi karo inuu ka madax banaan yahay dawlada dhexe.



Ku darso horjoogeyaashan badankoodu waa la wataa, mana rabaan in lala xisaabtamo ayadoo dawlada dhexe kumanaan doolar oo ah siiso diideyna xisaab celin.

Tani waxay kuu muujinaysaa in dawlada Somaliya tahay mid dadkeeda u tudheysa ayadoo awoodo inay shaqsiyaadkaasi talaabo ka qaado.



Sida kaliya ee daku dawlad degan ku helayaa waa in barlamaanka Muqdisho fadhiya shaqeyo si saxana loo tirtiro heeryadii Mahiiga iyo Sheekh Shariif dalka kaga tageen.

Lana magacaabo gudoomiyeyaal gobol. Ilaa hadda ma Jiro hal maamul goboleed oo sharci ku fadhiya dawladuna ictiraafsan tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Faahfaahin Qarax kooxda gaaleynta Muslimiintu ka fulisay Muqdisho: SAWIRO

September, 22, 2018
Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baaysa qarax kooxda ...

Somalida oo weli shaaha ku shubata falaasado suna

September, 22, 2018
Somalida ayaa weli shaaha ku shubata falaasado suna ...

Sheekh Dirir oo sharaxay xeer gaalo laga soo guurey oo Muuse Biixi ansixiyay

September, 22, 2018
Sheekh Dirir ayaa sharaxay xeer gaalo laga soo ...

Puntland oo fasirtey hadal reer Baydhabo ka caraysiiyay

September, 22, 2018
Puntland ayaa fasirtey hadal reer Baydhabo ka caraysiiyay ...

Maxkamada ciidanka oo dil ku riday askari iyo waxa uu sameeyay

September, 22, 2018
Maxkamada ciidanka ayaa dil ku fulisay askari. Askariga xukunka ...

Dhacdooyinka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

September, 9, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ...

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

August, 10, 2018
Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada ...

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

August, 10, 2018
Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo ...

Boqolaal ayaa inooga dhintey Tukaraq sii socod daaye dibaa laynoo soo celin: Axmed Muuse

August, 8, 2018
Been yaan laydiin sheegin boqolaal ayaa inooga dhintey ...

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

August, 7, 2018
Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ...

Haween caruurtooda kala cararay argagixisada oo lagu xirey Xarardheere

August, 7, 2018
Haween caruurtooda kala cararay argagixisada ayaa argagixisadu qabatey ...

Deg deg: Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo sujuudsan oo la khaarajay

August, 5, 2018
Argagixiso masaajid dhexdii ku diley askari booliisa oo ...