Thursday, October 18th, 2018
header

Horta ninka wadaadnimada sheegta ee Berberaawi waa kuma?

“Horta ninka wadaadnimada sheegta ee Berberaawi la yidhaahdo, ee dhallinyarada ku dhex faafiya figradaha qaldan ee ah ‘annaga wadaaddada ah wax na dhagaysta oo wax na ga akhrista, dadka kale oo dhamina waa cadowga Islaamka ee naca”, horta ninkaasi waa qolama?

Qofka soomaaliga ah ee aragti dhiibanaya xilligan waa in la gartaa qabiilkiisa, haddii kale Carab ama Yuhuudi Af Soomaaliga bartay oo hagardaamo kuu wada ayaa kaala murmaya danaha umaddaada (qaran aan qabiil la is ku aqoonsan Ilaahay ha ina gaadhsiiyo).

Barbaraawi berigii magaciisa iigu horreysay wax aan dhegaystay isaga oo masalo aan anigu aad u aqaan oo aan ka hadlay uu si jaahilnimo ah igu naqdiyay, oo uu masaajidkiisa iga soo caayayay.




Hortase ninkani wax kutub ah oo aan fikirkiisa ka ogaan karo ma leeyahay, mise waxiisu waa wadaad baan ahaydii gabowday oo masaajid uu dadka ka soo caayo u helay?

Waraysigan uu ka hadlay TV; ahna waraysi aan lahayn wariye xirfad leh oo mawduuca waydiintu ku jirto hagi kara, oo jawaabta aan qummanayn ama qabyada ah xujo gelin kara, oo masalo godlan lisi kara, warcelinta dhiciska ahna su’aal dhammays ah ka dhalin kara, waa tusaale kale oo ah tayo xumada warbaahinta. Bal ka warran warbaahin qofka ay waraysanayso u shaqaynaysa!..




Ma jirto warbaahintaasi, waayo tusaale ahaan waa ayo dadka uu Barbaraawi leeyahay aniga ayaa diinta ka xiga oo aan uga hiilinayaa?

Waa ayo dadka uu leeyahay “wax ay qoraan qoraallo macaan oo ay dadka akhriska jecel ku gaalaysiiyaan?

Ma isaga ayaa kuwa wax qora iyo kuwa wax akhriyaba ka caqli iyo iimaan badan, oo ay tahay in uu ka la ilaaliyo si aanay isu gaalayn?

Sow ma cadda in uu ka buko jacaylka aan soohdinta lahayn ee ay bulshada soomaalidu ku gashay akhriska afkeeda iyo guud ahaan aqoonta, ee kaga xorowday addoonsiga ay nooca Barbaraawi dadkooda la jeclaan lahaayeen in ay ku haystaan?

Waa kuwee dadka aan maskaxda lahayn ama qaangaadhka ahayn ee uu wax ugu sheegayo sida ciyaalkiisa? Isaga yaa doortay ee uu matalaa? Muxuu isagu isu arkaa? Ma doorrane? Yaa doortay?




Kolka uu lee yahay Af Soomaali macaan bay dadka ku gaalaysiiyaan oo waa dad xun, dabcan dadka uu weerarayo ee diinta ka xigsanayo aniga ayaa kow ka ah.

Bal haddaba ka warrama haddii aan saaka idin idhaahdo “Barbaraawi iyo noociisu waa gaal iyo gaalo raac, waxay idiin sheegayaanna waa baaddil ee aniga iyo saaxiibbaday oo qudha wax naga dhagsysta?

Waa dhuuniraacyo Diinta carab ka iibsada, oo ninka aad kabaha ka tolanayso illayn kabihiisa ayaa la eegaaye, bal car qof hal kitaab oo isaga aqoontiisa diineed ka yimid ha ku siiyo!

Markaa murankiisu waa Kitaabka Quraanka ee idinka dhexeeya, khilaafka idin dhex yimidna waa wax uu nin kale ka soo qaatay.




Ibraahin-Howd Yuusuf

ARAABINEWS masuul kama ah fikradaha dadka nala wadaagaan waxayna khaas u yihiin qofka ku saxiixan.



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Kulan looga hadlay yaraynta tacadiga haweenka miyiga oo Hargeysa lagu qabtey

October, 17, 2018
Kulan looga hadlay yaraynta tacadiga haweenka miyiga oo ...

Sucuudiga oo Maraykanka siiyay 100 milyan oo lagu aamusiinaayo xasuuqi Kashooqi

October, 17, 2018
Sucuudiga ayaa Maraykanka siiyay 100 milyan oo lagu ...

Muuse Biixi oo ka qayliyay siyaasiyiinta jaamacadaha ka hadlaya

October, 17, 2018
Muuse Biixi ayaa ka qayliyay siyaasiyiinta jaamacadaha ka ...

Puntland oo walaac ka muujisay ajaanibta soo galaya oo xad dhaafay

October, 17, 2018
Puntland ayaa war ka soo saartey tirada soo ...

Wasiirada arimaha dibeda Itoobiya iyo Eriteriya oo Muqdisho yimi: SAWIRO

October, 17, 2018
Wasiirada arimaha dibeda Itoobiya iyo Eriteriya ayaa Muqdisho ...

Dhacdooyinka

Turkiga oo baaraya suxufi galay safaarada Sacuudiga ee Istaanbuul soona noqon

October, 7, 2018
Turkiga oo baaraya suxufi Sucuudi ah oo ka ...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

September, 9, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ...

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

August, 10, 2018
Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada ...

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

August, 10, 2018
Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo ...

Boqolaal ayaa inooga dhintey Tukaraq sii socod daaye dibaa laynoo soo celin: Axmed Muuse

August, 8, 2018
Been yaan laydiin sheegin boqolaal ayaa inooga dhintey ...

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

August, 7, 2018
Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ...

Haween caruurtooda kala cararay argagixisada oo lagu xirey Xarardheere

August, 7, 2018
Haween caruurtooda kala cararay argagixisada ayaa argagixisadu qabatey ...