Wednesday, April 24th, 2024
header










Meta







Koobka wadamada Afrika ee kubadda cagta yaa isku aadan

Koobkii 31aad ee Qaramada Afrika ee wadamada Afrika ayaa caawa Saacada Geeska Afrika ka furmey marka ay tahay 7pm dalka Gabon oo martigelinaya koobka iyo xulka ku cusub koobka ee Guinea-Bissau.



Lixdan sannadood ayaa laga joogaa tan iyo markii la ciyaaray koobkii ugu horeysay ee Qaramada Afrika oo ka dhacay dalka Sudan sannadii 1957dii, iyadoo kaliya ay ka qeyb galeen seddex wadan, waxaana ku guuleysatay Masar.



Sannadkan waxaa la ciyaaraya 32 kulan oo socon doona in ka badan 23 maalmood iyadoo ay ka qeybgalayaan 16 xul, waxaana loo kala qeybiyay afar group oo min afar xul ka kooban, waxaa tartanka la soo gabagabeyn doonaa 5ta bisha Feberwari markaasoo xulka ku guuleysta uu sarre u qaadi doono koobka lagu soo sameeyay Talyaaniga iyo lacag 4 milyan doolar oo abaalmarin ah.

Qaarada Afrika oo idil ayaa isha ku heysa koobka ugu weyn qaarada, iyadoo tartanka sannadkan ee 2017 uu yahay mid la sugayo isku darka waxyaabo lama filaan ah, waxyaabo taariikhi noqdo iyo weliba soo bandhigis wacan.

Gabon ayaana caawa dib u soo dhaweyneysa Koobka Qaramada Afrika oo ay kaliya shan sannadood ka hor la martigeliyeen wadanka Equatorial Guinea.

Gabon ayaa bedelka Libya lagu abaalmariyay inay martigeliyaan koobka Qaramada Afrika iyadoo Libya ay ku qorneyd inay martigeliso 2013 balse dagaalo awaadeed ayaa Gabon Ekwroriyal gini iyo South Afrika loo kala bedelay waqtiga martigelinta iyadoo South Afrika ay martigelisay sannadkaas halka Libya ay ku qorneyd sannadkaan 2017.

Dagaalka sokeeye ee ka socda Libya ayaana la micno noqday inay gabi ahaanba isaga baxaan tartanka, waxaana booskooda buuxisay Gabon.

Dalalka Ka Qayb Galaya Waa 

HORDHACA KULANKA FURITAANKA EE GABON V GUINEA -BISSAU

Kulankii furitaanka ee caawa ayaa wadanka Gini bisaw iyo dalka martida loo yahay ee Gaboon at isku mari waayeen 1 iyo 1 halka Burkino Faso at iyadna barbaro la gashey Kamaruun.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...