Monday, November 19th, 2018
header

Lacag intee leeg ayaa Jabuuti ka soo gasha qaadka: barnaamij laga diyaariyay

Lacag intee leeg ayaa Jabuuti ka soo gasha qaadka waa barnaajim telefishan Faransiisa ka diyaariyay qaadka ayagoo oo dhinaca kale eegaya faaiidada iyo khasaaraha. Wasiirka arimaha dibedda Jabuuti ayaa isaguna si caqli ku jiro uga hadle qaadka oo ay ku noolyihiin bulsho aad u badan.



Qaadka oo ah dhaqaalaha dadban ayaa Jabuuti uga yimaada dhinaca Itoobiya, waxayna dawladu ka qaadataa lacag gaaraysa 15 milyan oo doolar sanadkii.

Waxa kale oo laga hadley qasaaraha uu leeyahay ayagoo waraystey hooyo lix caruura leh oo hawl adag ku jirta ninkeeduna shaqeeyo laakiin uu yahay qaad cun. Hooyadan ayaa leh hadduu qaadka joojiyo waxaan dhisan karnaa guri tayo leh.



Hooyadan iyo ninkeeda iyo caruurteeda ayaa ku jira guri aad ugu yar. Ninkeeda ayaa isaguna leh markaan qaadka cunayo waxaan ilaawaa mashaakliaadka nolosha iga haysta sida gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, wuxuuna ii yahay mid aan asxaabta kula sheekaysto.



Mucaaradka Jabuuti ayaa iyaguna leh waxa qaadka ku nool xukuumada Jabuuti si ay u iibsadaan codka dadka Jabuuti, waxayna soo bandhigeen muuqaalo qarsoon oo taageereyaasha Ismaaciil Cumar Geelle siinayaan dadka si ay ugu codeeyaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Aqoonyahan C/rashiid Cabdi Jaamac oo daboolka ka qaaday dareenka dhalinyarada reer Awdal

November, 18, 2018
Aqoonyahan C/rashiid Cabdi Jaamac ayaa daboolka ka qaaday ...

Wefti ka socda jaamacadaha Carabta oo Burco tagey iyo ujeedada

November, 18, 2018
Wefti ka socda jaamacadaha Carabta oo Burco tagey. ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley dakhliga dawlada oo kordhey: SAWIRO

November, 18, 2018
Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Muuse Biixi oo socdaal ku tagey Berbera iyo safarkiisa oo lagu arkin jufadiisa

November, 18, 2018
Muuse Biixi ayaa  u safrey Togdheer iyo safarkiisa ...

Madal looga hadlaayay halyey sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo Jigjiga ka dhacay

November, 17, 2018
Madal looga hadlaayay halyey sayid Maxamed Cabdulle Xasan ...

Dhacdooyinka

Dabley lagu daba jirey oo lagu qabtey Muqdisho

October, 24, 2018
Dabley lagu daba jirey oo dadka dhib badan ...

Waxaad arki doontaan Muuse Biixi oo guriga loogu daatey: Jeneraal Caare

October, 14, 2018
Jeneraal Caare ayaa soo dhaweeyay ku xigeenkiisa jeneraal ...

Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey xasuuuqii 14 Oktoober

October, 14, 2018
Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey ...

Wuu baxay af maaha ee Sucuudiga ha sheego halka suxufi Khasooqi maray: Erduqaan

October, 9, 2018
Erduqan ayaa dalbadey in Sucuudigu cadeeyo halka uu ...

Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland: siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi oo taabtey

October, 8, 2018
Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland raadin ...

Dhacdo ugub ah: dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab

October, 6, 2018
Dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ...

Dawlada Qadar oo duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo nooca ay tahay

October, 6, 2018
Dawlada Qadar ayaa duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo ...