Tuesday, May 22nd, 2018
header

Liiska saami qeybsiga maamulka Muuse Biixi & Beesha urursatay xilalka ugu badan

Wixii Aad Shalay Siilaanyo Iyo Habarjeclo Kula Yaabanayd Adaaba Kadaray Muusow Oo Xafadiini U Kiilay.

Shalay Siilaanyo waxaad kula yaabanayd inuu magacaabay Wiil uu Sodog u yahay oo inan ka qaba. Waxaad magacawday adigu adoo aan laba bilood joogin Inabtigaa eedada rumi dhashay, Mustafe Maxamuud Xaji Cabsiiye Xoghayaha



Dawladda Hoose ee Gabilay. Labaduba waa muwadiniin lakiin adaa Shalay la yaabana ta Baashe Cawil .

Waxaad madaxtooyada ku xeertay dhammaan qoyskaaga oo kaliya .

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
Xoghayaha Madaxweyanaha
Madaxa Maaliyada



Darawalka Gaadhiga kuwada ilaa ka kaafura, kuwa kula taliya, Taliyayaasha ku ilaaliya. Adna waxaad ka qaylin jirtay Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi .

Labada bilood waxaan gaadhin waxaad magacawday oo beeshada siisay xilalkii ugu badnaa wixii aad soo saartay, waliba adigoo geeyay meel kasta oo dakhli ka soo bixi karo.

Habar Awal =
1- Wasiirka Arrimaha Dibada
2- wasiirka gaadiidka iyo waddoyinka
3- Wasiirka isgaadhsiinta
4- Wasiirka warfaafinta
5- wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha
6- Maareeyaha hay’adaha duulista
7- Agaasimaha Madaxtooyada
8- Hantidhawaraha Guud
9- Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka
10- Agaasimaha Guud ee wasaarada maalgashiga
11- Maareeyaha hay’ada WFO iyo kaydka qaranka iyo Hay’ada Ka hortaga aafooyinka dabiiciga
12-Badhasaabka Gobolka Saraar
13- Badhasaabka Gobolka Gabiley.
14- Badhasaabka Gobolka Salal

Sidaana waxay beeshadu ku noqotay ta ugu magacaabista badan wixii waraaqo ka soo baxay ,adigoo uga buriyay dhammaan Beelihii kale ee Somaliland, waxay waliba hore u haysteen intaas in kabadan oo ay kamid yihiin .

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qaranka
Guddoomihaha Maxkamada Sare ee Qaranka .
Maareeyaha Dekedaha Qaranka
Mareeyaha Tv-ga Qaranka
Mareeyaha Sekeda Qaranka
Taliyayaasha Iyo Hoggaanada Qaranka .
Maayarka Caasimada Qaranka .
Madaxda ururada Bulshada Qaranka .
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Dabdamiska Qaranka
Garyaqaanka Guud ee Qaranka .
Taliye ku-xigeenka Ciidamadda Booliska Qaran.
Maareeyaha Wakaalada Biyaha Qaranka.



Madaxyada lacagaha iyo maamulka ee badi Wasaaradaha Qaranka Maaliyada oo Wasiirka cusbi isku miidaamiyay mooyane.

Tollow Marka Qaranku Madaxweyne ma qoyskaaga?? Adaa ka jawaabin .

Waxaad sidaa si lamid ah dhaliili jirtay afar Wasiir oo Habarjeclo ah oo aan dhicin mid is casilay mooyane. Sax aniguba dhaliisha waan kula qabay lakiin tallow taad hadda samaysay Marfash hadal haya Iyo Wargays qoraaya maaan arkine ma iska caadiba. ?. Haa waa caadi waayo rer Hargaysa waa saxiib ee isku qolo maha sida Bariga . Oo hadda maxay Doorashadii ilaa kuwii dhintay meesha inoo qabta ugu codeeyeen? Mooyi waa mar marka qaar..



Madaxweyne 45 casho ayaad joogta wax aan qaraabo kiil ahayn Ilaa hadda kama hayno, adigoo og in shaqaalaha Dawladda 25-kii sanno ay rerkaagu ugu badsadeen ayaad wada eriday intii ku meel gaadhka ahayd, 20-sanno ayay xaafadaadu shaqaalaha rasmi inay noqdaan isu qoraayeen dadka kale markaa goormay kusoo gaadhayaan?

Wasaaradda Warbaahinta, Adigoo og in Maareeyaha TV Qaranku qoyskaaga yahay, adigoo og in maareeyaha Ilaacaddu qoyskaaga yahay, adigoo og in Guddoomiyaha DAWAN Media Group inoo qoyskaaga yahay , adigoo og in shaqaalaha ka hawlgala in 500 qoyskaaga tahay ayaad Wasiirkii Warfaafintana tidhi xaafadayda dhaafi maaayo, marka ma Wasaarad Qaranba mise waa Wasaaradda Muuse Biixi Qoyskiisa.

Ummadda amma wax u qaybi amma ciyaarta nagadaa Madaxweyne dibaad u soco naysaaye.

Tusan 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hal goob oo dhowr mar argagixisadu ku xasuuqdey dad shacaba

May, 21, 2018
Hal goob oo ku taal Muqdisho ayaa dhowr ...

Qaybtii 3 taxanaha Kala Haab oo meel xiise leh maraya

May, 21, 2018
Taxanaha Kala Haab ayaa meel xiise leh maraya. ...

Buundadii Buulaburde oo biyuhu webiga Shabeele dul socdaan: SAWIRO

May, 21, 2018
Buundadii Webiga shabeele ee Buulaburde ayaa biyuhu dul ...

Somaliya iyo qaramada midoobey oo dalbadey lacag gaaraysa 80 milyan

May, 21, 2018
Somaliya iyo qaramada midoobey ayaa dalbadey lacag gaaraysa ...

Khaatumo oo ku biirtey Butland iyo shir jaraaid ay kuy qabteen Garoowe

May, 21, 2018
Khaatumo ayaa ku biirtey Butland iyo shir jaraaid ...

Dhacdooyinka

Cabdiwelli Gaas oo wuxuush iyo dugaag ku tilmaamey maamulka Muuse Biixi

May, 19, 2018
Cabdiwelli Gaas ayaa wuxuush ku tilmaamey maamulka Muuse ...

I accepted Islam after Trump’s Travel Ban

May, 17, 2018
My name is Sara, and I’m newly reverted. ...

Ceerigaabo oo dadku ka kacay markii Jeegaantu wada weerartey Ceel-Afweyn

May, 14, 2018
Ceerigaabo ayaa dadku ka kacay markii Jeegaantu wada ...

Baxsaneey ARAABAAY waa hees mardhow daawaha laga soo rogey

April, 25, 2018
Baxsaneey ARAABAAY waa hees mardhow daawaha laga soo ...

Bahda ARAABINEWS oo hambalyo u diraya Khaalisa Cabdi Aadan iyo Maxamed Cali Cusmaan

April, 23, 2018
Bahda ARAABINEWS ayaa hambalyo u diraya Khaalisa Cabdi ...

Ardeyda dugsiga sare ee ARAABI oo ka qaybgalay balaadhinta dugsigooda: SAWIRO

April, 23, 2018
Ardeyda dugsiga sare ee ARAABI ayaa ka qaybgalay ...

Danab ama biriq lamaane aqal galay ku dishey Caabud-waaq

April, 23, 2018
Danab ama biriq lamaane aqal galay ku dishey ...