Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Maalintii la qorey af-Somaliga oo 45 sano ka soo wareegtay: sawirada munaasabada

Maalintii la qorey af-Somalifa ayaa 45 sano ka soo wareegtay.

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliya C/qaadir Nuur Xuseen oo furitaanki munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhda qorista farta Soomaaliga, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo dadaalladii lagu bixiyay arrintaasi.



Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo ah ku xigeenka gudoomiyaha Akadeemiyada ayaa ka hadlay qiimaha qoraalka Farta Soomaaliga isagoo ku boorriyay bulshada in ay u soo jeestaan soo nooleynta qiimaha afka Soomaaliga.



Wasiirudowlada wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare C/raxmaan Maxamed Cabdulle oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ahmiyad gaar siineyso sidii xafiisyada dowladda iyo dugsiyada waxbarashada looga hirgelin lahaa farta Soomaaliga iyadoo wasaaraddu fulineyso baaqii R/wasaare Kheyrre ee ku wajahnaa isticmaalka farta Soomaaliga.



Sidoo kale  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir aya ka hadlay dhibaatooyinka Soo wajahay afka Soomaaliga, iyo baahida loo qabo in la soo nololeeyo afka Soomaaliga.

 

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku dadaali doonto sidii dugsiyada dalka iyo xafiisyada dowladda looga hirgelin lahaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Akadeemiyadu ugu jirto soo nooleeynta Afka Soomaaliga, waana sanadguuradii 45 ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay qorista farta Soomaaliga uuna soo baxay wargeyskii ugu horeeyay ee ku qoran farta Soomaaliga taasoo ku asteysneyd sanadkii  1973-dii.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...