Wednesday, October 17th, 2018
header

Maraykanka oo si adag u beeniyay inuu weerarayo Iiraan bisha soo socota

Maraykanka ayaa si adag u beeniyay inuu weerarayo Iiraan bisha soo socota. Warbixin ay diyaarisay warbaahinta Ustaraaliya ayaa lagu sheegay in Maraykanku diyaariyay weerarkii uu ku qaadi lahaa Iiraan gaar ahaan warshadaha Nukliyeerka.



Warbixintan ayaa lagu sheegay in Ustaraaliya ay dagaalka kaga qayb qaadan doonto dhinaca sirdoonka iyo inay soo hesho goobaha Maraykanku duqeynayo inkastoo Maraykanku u baahneyn warbixin sidaasa oo isku filan yahay.

Waxay kaloo taabteen in Ingiriiskuna isna sidaasoo kale keeni doono goobaha la weerarayo halka Kanada iyo New Siiland ayna ka qayb qaadan doonin. Warbixintan ayaa imaanaysa ayadoo mudawakh Trump ay hadalo kulul is dhaafsadeen madaxda Iiraan.

Wasiirka difaaca Maraykanka ayaa si adag u beeniyay warbixintaas kuna tilmaamay mala awaal aan dhacayn. Madaxda Iiraan ayaa iyaguna sheegay in Maraykanku waxkasta ku waayi doono hadduu Iiraan soo weeraro.



Maraykanka ayaa hore uga fikirey inay weeraraan Iiraan waxayse go’aamiyeen inayna faaiido ka gaarayn. Iiraan ayaa Ruushka ka soo iibsatey gantaalo casri ah oo waxba kama jiraan ka dhigaya in Iiran cirka ka weeraraan maadama ayna awoodeyn inay dhul soo maraan.

Iiraan ayaa ah dawlad adag oo aan dagaal toosa waxba looga qaadi karin. Yuhuuda oo saadaalinaysay inay Iiraan weerarto ayaa ku dhici weyday markii Maraykanku kula taliyay inayna taageeri doonin ayna guulna ka gaareyn.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Muuse Biixi oo isku daray eryid iyo magacaabid laamo hoose oo ka mida maamulkiisa

October, 16, 2018
Muuse Biixi ayaa isku daray eryid iyo magacaabid ...

Axmed Shide iyo caasha Maxamed oo boosas weyn loo magacaabay Itoobiya isku shaandheyn

October, 16, 2018
Axmed Shide ayaa boos weyn loo magacaabay Itoobiya ...

Dawlada Somaliya oo faahfaahisay taageerida laga caroodey ee la siiyay Sucuudiga

October, 16, 2018
Dawlada Somaliya ayaa faahfaahisay taageerida laga caroodey ee ...

Somaliland oo dawlad Afrikaana oo fog wax ka raadisay

October, 15, 2018
Somaliland ayaa dawlad Afrikaana oo fog wax ka ...

Xildhibaa n Habarjeclo (ISAAQ) ah oo taageeray Jeneraal Caare

October, 15, 2018
Xildhibaan Cawil oo Habarjeclo ah (ISAAQ) ayaa taageeray ...

Dhacdooyinka

Turkiga oo baaraya suxufi galay safaarada Sacuudiga ee Istaanbuul soona noqon

October, 7, 2018
Turkiga oo baaraya suxufi Sucuudi ah oo ka ...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

September, 9, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ...

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

August, 10, 2018
Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada ...

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

August, 10, 2018
Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo ...

Boqolaal ayaa inooga dhintey Tukaraq sii socod daaye dibaa laynoo soo celin: Axmed Muuse

August, 8, 2018
Been yaan laydiin sheegin boqolaal ayaa inooga dhintey ...

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

August, 7, 2018
Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ...

Haween caruurtooda kala cararay argagixisada oo lagu xirey Xarardheere

August, 7, 2018
Haween caruurtooda kala cararay argagixisada ayaa argagixisadu qabatey ...