Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Muwaaddiniinta shalay kal iyo laab u taageeray Farmaajo….

Muwaaddiniinta shalay kal iyo laab u taageeray dhaqanka maamulka Farmaajo ee keli-talisnimada iyo ixtiraam darrida sharciga ay ka muuqato:

1- In la xiro, la caburiyo mucaaradka, dadka wax dhaliila, warbaahinta.




2- In la tuuro wasiiro muujiyay aragti ka duwan tan Madaxweynaha iyo RW weliba si ixtiraam darro ah.

3- In la tuuro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo firfircooni muujiyay.

4- In sharci darro xilka looga xayuubiyay, laguna qasbay is casilaad Guddoomiye baarlamaan oo ka madax banaanaa madaxweynaha.

5- In qof aan khibrad garsoor lahayn loo dhiibay xilkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Muwaaddiniintaas oo ku heesayay waa Libaax Kheyre, Libaax Farmaajo, marka hay’adihii la xisaabtami lahaa, dowladnimada udub dhexaad u ahaa ay Villa Soomaaliya hoos geeyeen…




Hadda oo uu maamulka Farmaajo RW Itoobiya heshiis ganacsi iyo mid dhaqaale la saxiixday, ma ka rumeysan karnaa in ay ka qeylinayaan khiyaano qaran iyo halis soo socota. Adigaa taageersanaa in hal meel dowladnimada ku uruurto xisaabtan la’aan!

Inta dhifka ah ee taageersan kelitalisnimada waxay maalmahaan oo dhan ka qeylinayeen BBC oo si sax ah uga hadashay hadalka Abiy Ahmed, qaarbaa sheegay in ay olole ku billaabeen BBC si loo cabburiyo.




In kastoo welwelka shacabka uu gar yahay, heshiiska Itoobiya lala galay waxba kuma jabna, balse waa faa’ido haddii dhabbe sax ah lagu fuliyo, oo baarlammaan ka madax bannaan xukuumadda, garsoor aan Villa Somalia ka amar qaadan,

Mar haddii aad shalay taageertay in awoodaha kale ee dowladnimo la maquuniyo sida:

1- Golaha Shacabka
2- Garsoorka
3- Warbaahinta
4- Shacabka, mucaarad iyo dhaliile

Maanta sabab aad takrifal awoodeed uga qeyliso meesha kuma jirto, dhaliilna kuuma furna.

La soco dadka maamulka dowladeed ee casriga ah alifay, sabab ay garsoor madax bannaan, baarlamaan, warbaahin iyo xurriyadda hadalka ugu xeendaabeen awoodda golaha fulinta iyo madaxweynaha ayaa meesha ku jirta! Ma ila dareemaysaa hadda? Waxaa laga carayayay in hal qof uu helo “absolute power” awood buuxda oo aan cid kale xisaabin karin. Awoodda qofka way qaribtaa!

Baarlamaanka ayaa maamulka hortaagan ayay ahayd eeddu. Baarlamaan in uu maamulka hortaagnaado waa shaqadiisa si aadan uga welwelin takrifalka madaxweynaha iyo xukuumadda!

Heshiiska laga qeylinayo, waxaa ka daran dowladnimada la qaribayo!

Ayadoo sidaas ah weli ha noolaato!

Hassan Adam Hosow

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...