Thursday, April 18th, 2024
header










Meta







Nin cunsuri ah oo hooyo Somali ah jiirsiiyay gaari oo maxkamad ku socoto Ingiriiska

Nin cunsuri ah oo hooyo Somali ah jiirsiiyay gaari ayaa maxkamad ku socotaa dalkaasi Ingiriiska gaar ahaan magaalada Lesta (Leicester) oo ay degan yihin Somali badan oo ka timi Yurubta kale.



Ninkan Ingiriiska ah ayaa saaxiibadii u sheegay inuu ka caroodey fal argagixiso oo ka dhacay London. Qareenka hooyada Somaliga ah ee la yiraa Saynab Xuseen ayaa sheegay in haweenayda uu ku weeraray dharka ay xiran tahay iyo xijaabkeeda oo kaliya.

Weerarkan ninkan cunsuriga ah ayaa dhacay sanadkii hore bishii Sibtambar. Saynab Xuseen ayaa maxkamada u sheegtay in markii ninkan gaariga jiirsiiyay ay gidaar ku dhacdey isla markaana dhiig ka yimi wejigeeda.



”Waxaan u wacdey caawimo laakiin ma jirin cid ii dhow, waxaan isku dayay inaan kaco waanse waayay awood aan ku kaco, wax dareen ahna waan ka waayay gacanteyda midig waxaanan u maleeyay inay jabtey ayay tiri Saynab Xuseen.

”Waxaan isku dayay inaan gacanteyda bidix moobilkeyga ku gaaro, sidoo kale dareen male ayay raacisey Saynab. Waxa Saynab loo qaadey isbitaal halkaas oo la ogaadey in xubno badan oo jirkeeda ah burbur ka soo gaaray oo ayna sariirta ka kacayn.



Ninkan ayaa sii watey waalidiisa iyo nacaybkiisa markana gaarigiisa ku qaadey gabadh 12 jir ah oo Somali ah. Dacwada ninkan ayaa socota.

Xilliyada ay dhacaan weerarada ay gaystaan argagixisada waxa kordha carada ay qaadaan dad iyagu markii horeba bukey oo Muslimka necbaa oo ka faaiideysta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...