Thursday, March 28th, 2024
header










Meta







Ninbaa la Odhan Jiray Hebel Waa Nin Hal-adaygleh!!! W/Q (MUKHTAR-AFRICA

Umadkastaa Markay rabto hogaamiye , ka hor waa inay horta Soo iibsadaan , Muraayadda Aragga , si ay hogaamiye fiican ummadi u hesho. Xigmada bini’aadamka kuma jirto inuu hogaamiye umaddeed uu noqdo Siyaasi Caadifadaysan ,Cunfi iyo Cuqdadna rakaadisay.!!!



Sheeko gaaban ayaan Ninkani mr Hal-Adayg!! Kusoo qaadanaynaa Sida hadal hayskii , bulshadu u taqaanay ( waa nin hal adaygleh) 1991-maadkii Dowladii Soomaaliyeed ee Siyaad Bare, markii ay burburtay, ayaa wadankii la odhan jiray waqooyi galbeed, Dagaaladii sokeeye laga tashaday , hub dhigisna la sameeyey, ninkaasi askriga ahi , ayaa magaalada hargaysa , Soo galay , ilayn dagaalkii waa dhamaadee , Askarigu



isagoo tallo ahaan waydiistay Asxaabtiisii u taqaanay , “Mr Hal-Adayg ” wuxuu ku yidhi Qorigii wuu shaqayn waayey ee hada maxaad arin haysaan oo Shaqo ah??? Jawaabta asxaabtiisuna waa sidatan , waxayna kula taliyeen inay ka shidan tahay Kolay jaad ah , Inuu furto meherad Jaadle , Kolay ama (Marfash ) Sidaad u taqaananba , nimankii ay asxaabta ahaayeen , sidaasi ayey kula taliyeen Askarigii Mr Hal-Adayg kolaygiina wuu furtay . Hadaba Shaqadii ayuu dhankiisa ka bilaabay, wuxuu is yidhi ,Askarigii isagoo qaadka amaan-leh, qorigiisiina muu iibinoo kolayga hoostiisa ayuu yaalay wuxuuna yidhi sidatan:- ( Qorigii Intuu la soo baxay kuy’e inuun haduu Dux-leeyahay , kii dux-da lahaa anigaa hayo!! ) Akhristoow



Dulucda Sheekadu waxa weeyi , Nin Naf uun goyn yaqaana , siduu umad u maamulayaa muwaadin, Aqli xumada Askarigu hadii ay noqotaysidaa , safarkii ugu horeeyey oo uu u baxo beri , Ciidan badana uu kaxaystay, waxay cadayn u tahay , kalsooni daradda umadda & Askariga kala haysata . Muwaadin Su,aashaydu waa Nin arday qali- jebinaysay ka baaqday, Siduu u tagayaa , Furitaanka Jeelka Burco!?!?!? Waa sheekadaasi kor kusan sida ay uga hadlayso Sida uu Askarigu u fikiro. Akhriste waxaa is waydoin mudan sida uu dalka u baabiyeyna waa sidatan:-



Musuqa iyo maal- urursiga illihii dhaqaalaha ee dalka lagu boobay waa Taariikh- Taariikhduna waa Tooj lagu iftiimsado mustaqbalka si looga leexdo, Taariikhdaa madow ee hore dalka uga dhacday. Dastuurka qaranka JSL ayaa inoo cadeeyey in Siyaasada , guud ee dhaqaalaha Somaliland uu ku saleysan yahay Mabaadiid’a Suuqa xorta ah ee aan qof iyo qofaf toona loo xidhi karin .



Hadaba waxaa dhacday in shaqiyaad gaar ah shuruucda dalka loo jebiyey oo kooto loogu xidhay illihii dhaqaalaha qaranka anfici lahaa. Dawladnimadiina waa lagu tuntay , Shacabkiina maqraati ayey ka yihiin boobka , hantida ummadda, Dhaca , baahiyaha aas-aasiga ah , adeegyada bulshada oo cid gaara loo xidhay.Dhacii badheedhka ahaa ee hantidii ummadda ku dhacay iyo fadhateysigii dalka ku habsaday kumay koobneyn oo keliya lacagihii sida xariifnimada leh loo leexsaday , balse waxaa laysku wada raacay in aan beydh iyo binni loo reebin dalka ee sife gacan-wadaag ah hantidii ummadda loo boobay.



Kaaga darane Askarigu markuu Boorama booqday, Qalin jebintii Jaamacada Camuud, wuxuu dhagax dhigay Biiriish isku xidha jaamacada Camuud & Borama , Hadaba ha dhagax dhigee wuxuu siiyey , qandaraaskaa asaga ah , Mid Askariga Ilmaadeer yihiin , lacagtiina waala cunay , balantoina way dhaaftay . Laakin bulshada reer Somaliland waxay ka dharagsan tahay inuu Wadanka Wada xidh xidhay , markaa wuu ka shaqaysanayaa .



Waxay maanta maraysaa in Somaliland lakala sheegto oo cid gaar ahi sheegato u xidhan tahay, Boqortooyada Reer Alla Subbeer (AlAA-SUBBEER EMPIRE) ku darsoo umadii Reer hargaysa ee baabuurta yar yar nolol maalmeedkooda ka ritaan , Wasiirka Saaqid ahi Ee Askarigu u dhiibtay , Sida maalmahan la sheegataana waxaa ku dhacay Askariga ,xanuunka waswaaska ayaa haleeley, Uu dirsaday in Baabuurta Tukhaanka loo yaqaano uu Handaraabay. Akhriste xaalku sow maaha (Nin qoyani Biyo Islama Dhowro) Umuuraahaasi ayuu dul dhigay Askarigu



A)Gobolada Uma Ubixi Karaan baabuurta tukhaanka ahi,
B)Madaarka Ma tagi Karaan
C) Wadada Madaxtooyada Hormarta Ma Mari Karaan
D) Wadada Madaxtooyada Daba martana ma Mari Karaan?
Murtidan:-
1. Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta
oo muwaadin ah, meel uu jooga ba, waa badbaadada Jamhuuriyadda somaliland,
isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku mannaystey!…
2. Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan horey ugu jirin.
3. Waddaniyiintu, meelay joogaan ba aduunka waa inay heegan noqdaan!!!…
NB. (INUUN HADUU DUX-LEEYAHAY , KII DUX-DA LAHAA ANIGAA HAYA)

ALLAH-MAHADLE
QORE: Mukhtar Ali Aden (Africa)
EMAIL: Yaabe99@hotmail.com



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...