Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Qisada nin Nayjeeri ah oo qoraal guur oo uu soo dhigey faysbuug ku guursaday lix cisho

Qisada nin Nayjeeri ah oo qoraal guur oo uu soo dhigey faysbuug ku guursaday lix cisho. Chimadu waa wiil dhalinyaro ah oo Nayjeeriya u dhashay guurdoona ahaa isla markaana sheeko u socotey gabadh.

Waxase dhacday in gabadhii la is fahmi waayay, waxana niyada ugu jirtey inuu guursado bishii hore, wayse ka kala daadatey. Kadib wuxuu bartiisa baraha bulshada ee faysbuug uu soo dhigey fariin guur.

Fariinta ayaa u qorneyd ”haddii aad guur diyaar u tahay soo dirso araajida gabadhii u qalantana waan guursanayaa 6/01/2018. Sida caadiga ah markaad aragto qoraal noocaasa waxa niyadaada ku soo dhacaya waa kuwii beenta badnaa ee nolosha ka dhacay.



Chimadu marka hore niyadiisa kaftan ayaa ku jirtey, wuxuuse raaciyay qoraal kale oo ah ”aniga kaftan igama ah ee hadhow ha dhihin la iima sheegin”.

Waxa qoraalkaas ka jawaabey laba gabdhood, waxase indhihiisa soo jiidatey gabadha lagu magacaabo Soofi oo soo qortey iyadoo qosleysa ”anigaa danaynaya ee ii soo fariimee ama fariin khaasa ii soo dir.

Soofi waxay sheegtay inay ka ahayd kaftan si qoraalka meesha u sii socdo ama sheekadu u sii socoto. Waxase si lama filaana u soo wacay isla Chimadu oo hadda guurku ka dhabyahay.

Wey balameen waxayna noqotey in Chimadu uu safro masaafo 600km ah oo ah halka Soofi degan tahay, sheeko yar oo aan badneyn oo caajisa kadib wuxuu u geeyay adeerkii wuxuuna u sheegay in uu Soofi guursanayo. Adeerkii isla markiiba waa ogolaadey.



Waxa markeedii la gaaray Soofi inay waalidkeeda iyana tusto Chimadu si meherka iyo aqalgalka loo diyaariyo. raali ka yihiin. Aabaheed waa dhintey waxase nool hooyadeed oo iyadu sheegtay inayna bixin Karin ee ay raadsadaan walaalkeed.

Laba suaalood oo kooban kadib waxa walaalkeed qalinka ku duugey in guurku dhaco. Chimadu iyo Soofi waa laba lamaane oo hadda is qaba waxana guurkoodu ku dhamaadey lix cisho iyo erayga ah ”anigaa danaynaya ee fariin ii soo dir.

Labadan lamaane ayaa kadib sawirada guurkooda ku soo shubey bartooda faysbuug, waxase la yaab ku noqotey ay saaxiibka la ahaayeen iyo kuwii arkey sawiradooda iyo sheekada la socota.



Intooda badana waxay hambalyo iyo farxad u rajeeyeen labadan lamaane ee guukoodu ahaa lixda cisho. Hala iska jiro wax ayna run kaa ahayn inaad faysbuug soo dhigto qaasatan adoo Muslim ah oo og in beentu xaaraan tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...