Friday, July 20th, 2018
header

Raiisal wasaare Cabi Axmed oo si weyn lagu soo dhaweeyay Eritariya: SAWIRO

Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Eritariya. Wadooyinka dalkaasi oo dhan ayaa lagu xardhey sawirka Cabi Axmed lagu qorey meelkasta ”soo dhawoow walaal”.

Cabi Axmed ayaa hadda noqonaya badbaadiyaha Eritatiya oo reer galbeedku ku qabteen cunaqabatayn xoogan ayna ugu wacneyd Itoobiya gaar ahaana taliskii Meles Sanaawi.

 



Socdaalka raiisal wasaaraha ayaa imaanaya ayadoo wasiirka arimaha dibedda Eritatiya oo Muslim ah uu booqdey Itoobiya halkaas oo uu gudbiyay casuumad uu ka sidey madaxweynaha Eritatiya.

Booqashada Cabi Axmed ayaa dhamaystiraysa siyaasad hufan oo Itoobiya kula dhaqmeyso jaarkeeda, waa lugtii ugu dambeysay oo Cabi Axmed ku dhamaystiro booqashada jaarkiisa.



Itoobiya ayaa raadinaysa inay ka baxdo go’doonka dhinaca badda, booqashadana waxay siinaysaa Itoobiya fursad kale oo u furnaan doonta ganacsigeeda aduunka. Halka Eritatiya iyadna u bilaabmi doono weji cusub. Waa fursad labadoodaba u fiican.

Cabi Axmed Axmed ayaa dareensan in gobolku u baahan yihiin in dadkiisu ku wada noolaado si nabada. Wuxuu dhinaca kale ooda ka qaaday dhamaan wixii ku xirnaa jeelasha Itoobiya oo ah jeelasha ugu xun aduunka.



Isbedelada uu wado Cabi Axmed ayaan ku ekaan doonin booqashooyinka jaarkiisa balse ahaan doona kuwo uu ka sameeyo gudaha dalka sida in aan la jirdilin maxaabiista asagoo kala direy sarkaaladii u qaabilsanaa Itoobiya jeelasha.



Isla maanta  ayaa la ogaan doona qorshaha nabadeed ee u dhaxayn doona Itoobiya iyo Eritatiya. Itoobiya ayaa waxa hadda maamula qowmiyada ugu badan dalkaasi oo hore laga ilaalinaya xukunka.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Maraykanka oo ka farxiyay Somali haysata sharciga aan joogtada ahayn iyo tirada

July, 20, 2018
Maraykanka ayaa ka farxiyay Somali haysata sharciga aan ...

Faysal Waraabe oo hadda qirsan inay dawlada Somaliya ka mid yihiin

July, 20, 2018
Faysal Waraabe ayaa hadda qirsan inay dawlada Somaliya ...

Maraykanka oo urur argagixisada qarsoodi u ahaa ku daray liiska ay madnuuceen

July, 20, 2018
Maraykanka ayaa urur diimeed kale oo ka jira ...

C/raxmaan Ciro oo taabtey saami qaybsiga sheegayna inay Muuse Biixi u taalo

July, 20, 2018
C/raxmaan Ciro ayaa taabtey saami qaybsiga sheegayna inay ...

Siyaasiga Cali Gurey oo caytamay: Koofurta waxaan nidhaa hooyadiin u sheega

July, 19, 2018
Siyaasiga Cali Gurey ee maamulka Somaliland kana tirsanaa ...

Dhacdooyinka

Faysal Waraabe oo hadda qirsan inay dawlada Somaliya ka mid yihiin

July, 20, 2018
Faysal Waraabe ayaa hadda qirsan inay dawlada Somaliya ...

Dhacdo naxdina: gabadh yar oo dhiig bax ugu dhimatey Dhuusamareeb iyo sababta

July, 18, 2018
Gabadh yar ayaa dhiig bax ugu dhimatey magaalada ...

C/qaadir Jirde oo qarxiyay : Itoobiya abaal inooma hayso Farmaajana yaynaan afka la gelin

July, 18, 2018
Xildhibaanka xisbiga Wadani ee C/qaadir Jirde aya ku ...

Ninka ugu cidiyo dheer aduunka oo Hindi ah oo ugu dambeyn laga jaray

July, 12, 2018
Ninka ugu cidiyo dheer aduunka oo Hindi ah ...

Jiir digada ka dhigey lacag malaayiina dalkaasi Hindiya iyo goobta uu ku helay

June, 22, 2018
Jiir digada ka dhigey lacag malaayiina dalkaasi Hindiya. ...

Bahda Araabinews oo hambalyo u diraya lamaanaha Maryan X Seef iyo Badar Cumar Cali: SAWIRO

June, 21, 2018
Bahda Araabinews ayaa hambalyo u diraya lamaanaha Maryan ...

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadley heshiiska Itoobiya ee dekedaha iyo Sool

June, 19, 2018
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley heshiiska Itoobiya ee ...