Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Somaliya urur diimeedkee xoog kuleh kuwii Somalidu taqaanayna daaqada ka saaray iyo lacagta ururkani haysto

Somaliya urur diimeedkee xoog kuleh kuwii Somalidu taqaanayna daaqada ka saaray iyo lacagta ururkani haysto oo lagu qiyaasay malaayiin doolar. Wadamada taageera ururkan ayaa ah wadamada carabta waxay leeyihii warbaahin xoogweyn.#

Urur diimeedkan ayaa lagu magacaabaa Wahaabi waxayse hadda isticmaalaan Salafi ama Salafiyiin. Salafiyiintu maaha urur diimeed Somalidu taqaanay waxase Somalida baray dhaqankooda diineed wadaado wax ka soo bartey Sucuudiga.

Dabeecadaha ay leeyihiin waxa ka mida in ay qofka gaaleeyeen ama ay ku xukumaan dilka. Haday fursad kuu helaan waxa dhacaysa in ay ku dilaan. Gacantooda dagaalanta waxa ka mida kuwo la baxay shabaab, Boko Xaraam, Daacish, Daalibaan, iyo dhowr magac oo ka jira Carabta Afrika.

Waxay necebyihiin dhamaan urur diimeedyada kale ee jira sida urur diimeedka Akhwaan Muslimiin oo ka dagaalanta Masar iyo Siiriya. Urur diimeedkan Salafi ayaa lagu biilaa lacagta ugu badan ee laga helo saliida.



Waxay dugsiyo, malcaamado iyo xarumo ay ku faafiyan mabhadkooda ka furteen wadamada burburey sida Afgaanistaan, Bakistaan, Somaliya, Ciraaq, Liibiya iyo Siiriya. Waxay siyaasiyan gacanta kula jiraan wadanka Malaysiya.

Waxay sidoo kale ku leeyihiin xarumo waaweyn ku leeyihiin wadamada degan ee Muslimiinta ah.

Xaruntooda ugu weyn waa Sucuudiga. Buugta ay qoraan ayaa aad ugu faafay Somalida iyo aduunka badankiisa xataa Yurub. Wadaadada ugu weyn urur diimeedkan ayaa waxa ka mida Sheekh Ibnu Thaymiya, Sheekh Ibnu Baaz, Sheekh Al-baani iyo kuwo kale.



Waxay dib saxiix uga dhigeen xadiisyo hore u jirey halka kuwo kalana ay diciifiyeen.

Waxay Somaliya si fiican u cagadhigteen markii argagixisada Shabaab haysatey qaybo badan oo ka mida Koofurta Somaliya ayagoo wada gowracay dhamaan wadaadada ay Somalidu taqaaney kuwa tilmaamey gaalo.

Waxa jira wadaado caana oo faafiya mabhadka ururkan oo laakiin dagaal ku jirin laakiin gaaleeya sheekhyada diidan madhabta ay wataan. Xaruntooda ugu weyn ayaa ah Sucuudiga, Imaaraadka halka Qadar uu ka taliyo urur diimeedka akhwaanka oo iyaguna xiriiro dhow la leh argagixisada ka dagaalama Afgaanistaan iyo Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...