Sunday, January 21st, 2018
header

Tuug si farsamaysan dadka u dhici jirey oo Muqdisho lagu qabtey: SAWIRO

Tuug si farsamaysan dadka u dhici jirey oo Muqdisho lagu qabtey. Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah.

Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi.



Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray.



Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaasi.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado.



Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Gudoomiyihii la eryay ee gobolka Banaadir oo ka hadlay waxa sababay

January, 21, 2018
Gudoomiyihii la eryay ee gobolka Banaadir ayaa ka ...

Maalintii la qorey af-Somaliga oo 45 sano ka soo wareegtay: sawirada munaasabada

January, 21, 2018
Maalintii la qorey af-Somalifa ayaa 45 sano ka soo ...

Saylici oo sidii caadiga ahayd xariga ka jaray doonyo lagu wareejay kaluumaysatada

January, 21, 2018
C/raxmaan Saylici ayaa sidii caadiga ahayd xariga ka jaray ...

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlay mooshino ka dhana maayerada gobolada

January, 21, 2018
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay mooshino ka ...

Wasaarada caafimaadka oo amar ku soo rogtey ajaanibta ku shaqaysta caafimaadka

January, 21, 2018
Wasaarada caafimaadka ayaa amar dul dhigtey ajaanibta ku shaqaysta ...

Dhacdooyinka

Nibiri ku soo caaryay xeeb ka mida xeebaha Somaliya iyo caruur ku ciyaaraysa

January, 9, 2018
Nibiri aad u weyn ayaa ku soo caaryay ...

Salaad Cali Jeelle oo khudbad qosola ka jeediyay furitaanka garoonka Garoowe

January, 8, 2018
Salaad Cali Jeelle ayaa khudbad qosola ka jeediyay furitaanka ...

Fanaanada Nakruuma iyo Luul Cali Xasan oo booqdey radiyihii qaranka iyo keydkiisa: SAWIRO

January, 7, 2018
Fanaanada Nakruuma iyo Luul Cali Xasan ayaa booqdey radiyihii ...

Xildhibaan Baar oo amaantey wasiirka qorsheynta Somaliya oo 5 milyan u keenay deegaankiisa

January, 6, 2018
Xildhibaan Baar ayaa amaantey wasiirka qorsheynta Somaliya oo ...

Somalida ku nool deegaanada Oromada oo cabsi la soo deristay

January, 5, 2018
Somalida ku nool deegaanada Oromada ayaa cabsi la soo ...

Haweenay Muslim ah oo u ordaysa madaxtinimada dalkaasi Ruushka

January, 3, 2018
Haweenay Muslim ah ayaa u ordaysa madaxtinimada dalkaasi Ruushka. ...

Araabinews oo booqatey deegaanada Jabanta iyo Dhoqle oo ka tirsan ismaamulka Somalida

December, 24, 2017
Araabinews ayaa booqatey deegaanada Jabanta iyo Dhoqle oo ...