Wednesday, April 24th, 2024
header










Meta







Waa maxay sababta Madaxweyne Mugabe u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Whatsap-ka?

Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Ruperto Mugabe ayaa magacaabay Wasaaradda amniga Internet-ka iyo baraha Bulshada ee Dalkaasi.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in Dadka leh Group-yada WhatsUp-ka looga baahanayahay in ay Shahaaddada 1aad ka heystaan Wasaaradda amniga Internet-ka iyo Baraha Bulshada ee Dalka Zimbabwe.

Madaxweyne Mugabe ayaa 10kii Bishan magacaabay Wasaaraddan waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay baraha bulshada aad loogu hadalhayay arrintan.



Madaxweyne Mugabe ayaa ku doodaya in Baraha Bulshada gaar ahaa WhatsUp-ka uu yahay halka ugu badan ee ay Mucaaridkiisa ku kulmaan loona baahanyahay in la xakameeyo dhaq dhaqaaqa dadka uu ku eedeeyay duminta Dowladda Zimbabwe.

George Charamba,oo ah Afhayeenka Madaxwweyne Mugabe ayaa sheegay in aragtidan uu lahaa Madaxweynaha kaddib markii sida uu sheegay ay soo baxday qatarta dowladda Zimbabwe kaga wajahan dhinaca Baraha Bulshada sida Facebook,Twitter iyo WhatsUp.



16kii Sano ee la soo dhaafay adeegsiga Internetka ee Dalka Zimbabwe ayaa ka soo kacay 03% ilaa 46%,Baraha Bulshada waa halka ugu badan ee Warbaahinta Mucaaridka iyo TV-yada dibadda ay wararkooda u mariyaan Dadka ku nool gudaha Zimbabwe.

Bishii la soo dhaafay markii uu shidaal yarida wajahay Dalka Zimbabwe,Baraha bulshada ayey ahayd halka laga daawanayay dadka oo safaf dhaadheer ugu jira shidaalka,sidoo kale farriimaha lagu soo qorayay Baraha Bulshada waxa aka mid ahaa in Dalka Zimbabwe uu wajahayo cunto yari,taas oo dowladda ay cadaadis iyo dhaleeceyn kala kulantay Caalamka.



Wasiirka Wasaaraddan Mr Charamba.,ayaa sheegay in sababta loo sameeyay ay tahay mid amni iyo ajende siyaasadeed oo ay dowladda leedahay si ay u xakameyso amniga Dalka Zimbabwe.

Dadka u dooda xorriyadda hadalka ayaa sheegaya in Wasaaaraddan iyo shaqadeeda ay dhaawac ku yihiin dastuurka Dalka Zimbabwe loona baahanyahay in dowladda dhowrto Dastuurka u deggan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee MDC, Morgan Tsvangirai, ayaa ku doodaya in magacaabista Wasaaraddan ay dhaawac ku tahay xorriyadda hadalka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda amniga Internetka iyo Baraha Bulshada ayaa Dadweynaha dalkaas ugu baaqay in ay Baraha Bulshada ku soo daabacaan kaliya wax marka ay Maxkamadda tagaan difaaci karaan.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in bilaha soo socda dad badan loo xir xiri doono arrintan,iyada oo ay doorashada Madxatinimada Zimbabwena soo dhowdahay.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...