Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Wadamada Muslimiintu jawaab maka bixin doonaan Trump oo Yuhuuda Al-Qudus u aqoonsanaya

Wadamada Muslimiintu jawaab maka bixin doonaan Trump oo Yuhuuda Al-Qudus u aqoonsanaya. Al-Qudus waa magaalada sadexaad ee ugu barakaysan aragtida Muslimiinta.

Waa halkii rasuulkeena SCW looga dhoofiyay samada kadibna RABIGEEN soo faray shanta salaadood ee hadda inagu waajibka ah. AL-Qudus waxay leedahay taariikh cad oo Muslimiintu yaqaanaaan.



Jawaabta suaasha ayaa noqonaysa haa way ka bixin karaan jawaab dhegaha goysa oo ku haboon cunsuri jaahila sida Trump oo kale ah waxaadse iswaydiin kartaa maxaa horjooga.

Ilaa hadda wadamada Muslimiintu waa ay muujiyeen mowqifkooda ku aadan Al-Qudus haba u muujiyaan si diciifnimo ah sida Sucuudiga oo kale ama si adag sida Turkiga oo kale.



Hadaba maxaa hor taagan inay jawaab ku haboon siiyaan ama uga aargoostaan siyaabo kale. Maraykanka oo Sucuudiga adeegsanaya wuxuu burburiyay Ciraaq iyo Suuriya. Waxana halkaa ka baxay laba wadan oo khalkhal ku hayay Yuhuuda.

Sida ugu haboon

Muslimiintu waxay leeyihiin laba urur mid Carbeed oo bilaa ilko ah iyo midka weyn ee Muslimiinta oo dhan ka dhexeeya. Waxay iyagoo mida soo saari karaan cunaqabatayn ka dhana Maraykanka oo ah dhinaca dhaqaalaha iyo amniga.

Waa talaabo dhegaha goynaysa cunsuri Trump oo aanu ka soo kabsan Karin. Dhaqaalaha Maraykanku wuxuu siyaabo kala duwan ugu xiran yahay wadamada Muslimiinta.



Maxaa hortaagan

Ma samayn karaan oo waa ururo bilaa ilko ah oo magac u yaala sida kan Carbeed oo Sucuudigu yahay saaxiibka koowaad ee Yuhuuda iyo Maraykanka.

Waxa markaas soo haray dhowr wadan sida Turkiga oo kale oo iyagu balaariyay siyaasadooda si toosana ugu xirneyn Trump.

Wadamada MAYA oran kara Trump xiriirkana u goyn kara waxa ka mida Iiraan, Turkiga, wadamada Muslimiinta ee ka soo go’ay Ruushkii hore, Indooniisiya, iyo Malaysiya inkastoo labadan wadan ee dambe si gaara ugu xiran yihin Maraykanka.

Wadamada aan MAYA oran Karin laakiin laba afleeya ee Maraykanku gacanta ku hayo waxa ka mida Sucuudiga, Masar oo gaaja ah, Carabta kale oo dhan, Bakistaan oo awood Nukliyeer haysata hadana baqaysa, Muslimiinta Afrika kuma jiraan go’aan qaadashada.



Waxa kor kaaga muuqda sida xaalka Muslimiintu yahay laakiin haday MID noqdaan leh awood wax cabin karta xataa ku qasbi kara Yuhuuda inay is dhiibto.

Wixii aan sugnaaba waa cunsuri Trump oo yeela siduu jecelyahay laakiin maaha wax marnaba Muslimiintu aqbalayaan xataa haddii Carabta Trump ku xiran ogoshahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...