Wednesday, November 21st, 2018
header

Wadani iska yeel ayaa badan

Markuu buuxsamay tareenkii ka soo baxayay Faransiiska una socday Ingriiska, si lama filaan ah waxaan ag fariistay naag Faransiis ah iyo nin ingriis ah, naagtii cabsi iyo wal wal ayaa wajigeeda ka muuqday, ninkii ag fadhiyaa wuxuu ku yiri maxaad u wal walsantahay.



Naagtii waxay ku jawaabtay lacag toban kun oo doolar ayaan wataa lamana ogola, ninkii wuxuu yiri noo kala qaybi cinwaankagana isii guriga aad dagaysid hadii aan la i baarin qaybteyda waan kuu keenayaa, meeshii ayay lacagtii ku kala qaybsadeen.

Markii la soo gaaray askarta Ingriiska ee xadka, ninkii asagaaba u yeeray askartii wuxuuna ku yiri naagtaan lacag badan oo aan la ogoleen ayay wadataa qaybna anaa u haya inta kalena ayadaa hayso mana jecli wadankayga in la qiyaano wadani ayaan ahay,



Askarigii wuu baaray mise waaba run oo waa siduu ninka sheegay, lacagtii ayuu ka qaaday, kadibna ninkii ayuu u mahad celiyay wuxuuna yiri sidaasaa lagaa rabaa wadaninimada hakugu waynaato,

Markii Ingriiska la gaaray labo maalin kadib ninkii wuxuu tagay naagtii gurigeeda markaas ayay ku tiri maba xishoonaysid indha adeegaaga maxaa iga soo doontay.



Ninkii intuu dhoola cadeeyay ayuu u dhiibay baqshad ay ku jirto shan iyo toban kun oo doolar wuxuuna ku yiri waxaan waday boorso lacag 3 malyan oo doolar ku jirto marka taas ayaan u baqay in la baaro ee raali ahow.

Mararka qaar qofka ka hadlaayo wadaninimada waxaa laga yaabaa inuu asaga tuug wayn yahay oo ku dhuumanayo. Waa fariin ku socota madaxda Somalida burburka kadib.

Waa qalinkii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Xulka qaranka Somaliya oo garaacay xulka Itoobiya: SAWIRO

November, 20, 2018
Xulka qaranka Somaliya ayaa garaacay xulka Itoobiya. Ciyaartan ...

Sidee Boorama looga xusey xuska dhalashada nabigeena SCW

November, 20, 2018
Sidee Boorama looga xusey xuska dhalashada nabigeena SCW. ...

Muuse Biixi oo loo xirey xaafado badan oo ka tirsan Burco

November, 20, 2018
Muuse Biixi ayaa loo xirey xaafado badan oo ...

Gabadh uu dhalay Trump oo taageertay Ilhaan Cumar

November, 20, 2018
Gabadh uu dhalay Trump ayaa taageertay Ilhaan Cumar ...

Faahfaahin qarax gaari oo argagixisadu ka fulisay Muqdisho iyo qasaaraha jira

November, 20, 2018
Faahfaahin qarax gaari oo argagixisadu ka fulisay Muqdisho. Qaraxa ...

Dhacdooyinka

Dabley lagu daba jirey oo lagu qabtey Muqdisho

October, 24, 2018
Dabley lagu daba jirey oo dadka dhib badan ...

Waxaad arki doontaan Muuse Biixi oo guriga loogu daatey: Jeneraal Caare

October, 14, 2018
Jeneraal Caare ayaa soo dhaweeyay ku xigeenkiisa jeneraal ...

Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey xasuuuqii 14 Oktoober

October, 14, 2018
Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey ...

Wuu baxay af maaha ee Sucuudiga ha sheego halka suxufi Khasooqi maray: Erduqaan

October, 9, 2018
Erduqan ayaa dalbadey in Sucuudigu cadeeyo halka uu ...

Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland: siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi oo taabtey

October, 8, 2018
Maxaa keenay fashilka ku yimi ictiraafkii Somaliland raadin ...

Dhacdo ugub ah: dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab

October, 6, 2018
Dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ...

Dawlada Qadar oo duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo nooca ay tahay

October, 6, 2018
Dawlada Qadar ayaa duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo ...