Thursday, June 21st, 2018
header

Wasiir ka tirsan Puntland oo shil gaari ka badbaadey: SAWIRO

Wasiir ka tirsan Puntland ayaa shil gaari ka badbaadey. Wararka ayaa sheegaya in duleedka magaalada Garoowe uu shilkani ka dhacay oo isla markaana uu khasaare gaystey.



Gaariga shilka galay ayaa waxaa la socday Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore iyo masuuliyiin kale.

Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano 22-naad oo ah Xeradda Ciidamada Daraawiishta Puntland ee duleedka Magaalada Garoowe.



Inta la xaqiijiyay ilaa 3 Ruux ayaa shilkaas ku dhaawacantay oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore iyo laba qof  kale oo la socotay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah Buundo labadii Sano ee la soo dhaafay uu dhismo ku socday taas oo keentay in gaariga Wasiirka mid ah  lugaha ama Taayaarada ay baxdo sidaasna uu ku rogmaday.



Dadkii shilkaas ku dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Garoowe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Kuruesha oo hilfaha u qaaday xulka Arjantiin oo aad u liitey

June, 21, 2018
Kuruesha ayaa hilfaha u qaaday xulka qaranka Arjantiin ...

Bahda Araabinews oo hambalyo u diraya lamaanaha Maryan X Seef iyo Badar Cumar Cali: SAWIRO

June, 21, 2018
Bahda Araabinews ayaa hambalyo u diraya lamaanaha Maryan ...

Maamulka Muuse Biixi oo ka qayliyay warqad deeq toosa looga joojiyay

June, 21, 2018
Maamulka Muuse Biixi ayaa si adag uga qayliyay ...

Suldaanka Faysal Waraabe ee isrogroga oo taageeray shirka Garxajis (ISAAQ)

June, 21, 2018
Suldaanka Faysal Waraabe ee isrogroga ayaa taageeray shirka ...

Haan kale oo aan la garanayn waxa ku jira oo badda Somaliya ku soo caaridey: SAWIRO

June, 21, 2018
Haan kale oo aan la garanayn waxa ku ...

Dhacdooyinka

Bahda Araabinews oo hambalyo u diraya lamaanaha Maryan X Seef iyo Badar Cumar Cali: SAWIRO

June, 21, 2018
Bahda Araabinews ayaa hambalyo u diraya lamaanaha Maryan ...

Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Maraykanku cirka ka taageerayo oo Xudeyda weeraray

June, 13, 2018
Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Maraykanku cirka ka ...

Dadkii duufaantu ku dhufatey ee Baki oo ka hadley deeq soo gaartey

May, 25, 2018
Dadkii duufaantu ku dhufatey ee degmada Baki ee ...

Cabdiwelli Gaas oo wuxuush iyo dugaag ku tilmaamey maamulka Muuse Biixi

May, 19, 2018
Cabdiwelli Gaas ayaa wuxuush ku tilmaamey maamulka Muuse ...

I accepted Islam after Trump’s Travel Ban

May, 17, 2018
My name is Sara, and I’m newly reverted. ...

Ceerigaabo oo dadku ka kacay markii Jeegaantu wada weerartey Ceel-Afweyn

May, 14, 2018
Ceerigaabo ayaa dadku ka kacay markii Jeegaantu wada ...

Baxsaneey ARAABAAY waa hees mardhow daawaha laga soo rogey

April, 25, 2018
Baxsaneey ARAABAAY waa hees mardhow daawaha laga soo ...