Saturday, December 15th, 2018
header

Wasiir musuqmaasuq lagu haysto oo shaqada laga joojiyay

Wasiir musuqmaasuq lagu haysto ayaa shaqada laga joojiyay. Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daauud aya booliisku ku fashilmey inay soo xiraan usbuucii hore.



Sababta uu raiisal wasaaraha shaqada uga joojiyay wasiir Mukhtaar Mahad Daauud ayaa lagu soo saaray war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska XasannCali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, markuu arkay qodobka 100, xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS, markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka Golaha Wasiirada, shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,



Ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan, isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka, markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda, markuu garowsaday in laga gun gaaro dulucda murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada



Wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin, laga bilaabato maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Sideedaad August sanadka 2018-ka, waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud

Si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Dawlada ayaa isku dayaysa inay musuqa la dagaalananto inkastoo welli aan lagu guulaysan cidii amniga sugi lahayd guud ahaan dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Jufada Muuse Biixi oo qaylidey Samaroon xaqoodii dib uga helay Wajaale

December, 14, 2018
Jufada Muuse Biixi ayaa qaylidey Samaroon xaqoodii dib ...

Madaxweyne Farmaajo oo sii sagootiyay madaxweyaha Eriteriya

December, 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo ayaa sii sagootiyay madaxweyaha Eriteriya oo ...

RW Xasan Cali Kheyre oo Qadar ka soo dhameeyay xilliga la bilaabayo dekedda Hobyo

December, 14, 2018
RW Xasan Cali Kheyre ayaa ku soo guulaystey ...

Wahaabiyada Sucuudiga oo ka xumaadey haweenka ku soo baxay doorashada Maraykanka

December, 14, 2018
Wahaabiyada Sucuudiga ayaa ka xumaadey haweenka ku soo ...

Maxaa ka socda Baydhabo kadib qabashadii Mukhtaar Roobow iyo xildhibaan la diley

December, 14, 2018
Maxaa ka socda Baydhabo kadib qabashadii Mukhtar Roobow ...

Dhacdooyinka

Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi oo qarxiyay soo dhaweyn xumadii Saylici kala kulmey London

December, 1, 2018
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa qarxiyay soo dhaweyn ...

Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe waxa soo kibriyay Xasan Sheekh: Camey

November, 30, 2018
Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe waxa kibriyay Xasan ...

Mandheera oo martigelinaysa todobaadka dhaqanka Somalida: SAWIRO

November, 30, 2018
Mandheera ayaa martigelinaysa todobaadka dhaqanka Somalida. Waxa magaalada ...

Madaxweyne Farmaajo oo geedwalba ka xirey horjoogeyaasha qasaya dalka

November, 27, 2018
Madaxweyne Farmaajo ayaa geedwalba ka xirey horjoogeyaasha qasayay ...

Muuse Biixi waa ku dhici waayay inuu tago Badhan : xildhibaan Bulqaas

November, 26, 2018
Muuse Biixi waa ku dhici waayay inuu Badhan ...

Dr C/raxmaan Beyle oo wado cad ku ridey xildhibaano kuturi kuteen u dhaleeceeyay

November, 24, 2018
Dr C/raxmaan Beyle ayaa wado cad ku ridey ...

Liiska basaasiin u shaqayn jirey xukunkii Tigreega oo u joogeyay Somaliland oo la shaaciyay

November, 24, 2018
Liiska basaasiin u shaqayn jirey xukunkii Tigreega ee ...