Saturday, April 21st, 2018
header

Wasiirka amniga oo lagu amaanay talaabadii uu ka qaatey dilalkii argagixisadu ka fulisey Muqdisho

Wasiirka amniga oo lagu amaanay talaabadii uu ka qaatey dilalkii argagixisadu ka fulisey Muqdisho. Wasiirka ayaa eryay saraakiil ka tirsan booliiska iyo qaar ka tirsan sirdoonka oo ku fashilmey in ay duhur cad qabtaan argagixiso dil fulisay kadibna baxsatey.

Dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhaca waxaa ka mid ah dilkii Waaxda Horseed laanta Iskaashi ee degmada Waaberi xilli habeen ah 24-kii September loogu geystay General Cabdulle (Qururux) oo horey u soo noqday Taliye ku xigeenkii hore ee saadka Ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale maalin Arbaco ah 27-kii September Isgoyska VIA ROMA waxaa lagu dilay Xoghayihii ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale, dilkaasi waxaa sheegtay Shabaab.

 

Intaasi kadib Khamiistii ina dhaaftay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa walaac ka muujiyay falalka amnidarada ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dilalka qorsheysan.

Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in loo baahan yahay soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii Xamar weyne ka dhacay, waxaana uu intaasi ku daray, haddii la soo qaban waayo in Saraakiil badan oo ciidamada ka tirsan xilka inay ku waayi doonaan, ama isaga uu is casili doono.

Wasiir Islow ayaa sheegay in illaa Axada oo shalay ku beegneyd loo baahan yahay in jawaab cad laga bixiyo ficilkaasi dhacay oo haddii illaa Axada jawaab la heli waayo dad badan xilka in laga qaadi doono.

Shalay oo Axad aheyd laguna balansanaa in la soo bandhigo baaritaanka natiijadii ka dhalatay weerarkii ka dhacay Xamar Weyne ayaa Wasiirka Amniga wuxuu xilalkii ka qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Degmada Xamar weyne.

Wasiirka amniga ayaa Saxaafadda u sheegay labadaasi Taliye oo shaqadooda gabay in xilalkii laga qaaday xabsigana la dhigay si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, 12 Askari kalena la xiray.

Tallaabada shalay uu ku dhawaaqay Wasiirka amniga ayaa aheyd mid si wayn u muujinaysa isbedelka ku aadan sida ay madaxda uga go’an tahay in  meesha laga saaro Saraakiisha ciidanka ee curyaaminaya shaqada Qaranka.

Dadka odorasa arrimaha ammaanka ayaa talaabada uu qaaday Wasiirka amniga waxa ay ku sheegeen in ay aheyd talaabo aan horey looga baran Dowladda Federaalka, muhiimna ay tahay in la sii dardar geliyo shaqada ceenkaan oo kale ah.

Caqabada ugu weyn ee dhanka ammaanka ka heysata Dowladda Federaalka ayaa dadka qaar waxa ay ku sheegeen in ay yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo weeraro toos ah, Qaraxyo iyo dilalba ka geysta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Deg deg: Sucuudiga oo duqeeyay gaari shacaba dalkaasi Yaman iyo xasuuq jira

April, 21, 2018
Sucuudiga ayaa duqeeyay gaari shacaba dalkaasi Yaman iyo ...

Dawlada Yaman oo taageertay Somaliya una digtey Imaaraadka

April, 21, 2018
Dawlada Yaman ee ay ka taliyaan Xuutiyiinta iyo ...

Saxaafada oo dibedda u soo saartey beentii Trump ku weeraray Siiriya

April, 21, 2018
Saxaafada ayaa dibedda u soo saartey beentii Trump ...

Wasiirka arimaha dibedda ee Somaliya oo shaaciyay in dawladu waxba ka sixiixin Berbera

April, 20, 2018
Wasiirka arimaha dibedda ee Somaliya Axmed Cawad ayaa ...

Taliyaha ciidanka jeneraal C/welli Jaamac Gorod oo kulan ka qaybgalay iyo ujeedada: SAWIRO

April, 20, 2018
Taliyaha ciidanka jeneraal C/welli Jaamac Gorod ayaa kulan ...

Dhacdooyinka

Wadayaasha bajaajta Muqdisho oo cabsi ka qaba inay qaadaan dumarka iyo sababta

March, 18, 2018
Wadayaasha bajaajta Muqdisho ayaa cabsi ka qaba inay ...

Haweenay qabtey cudurka keena Aydhiska oo arin naxdina ka samaysay Muqdisho

March, 17, 2018
Haweenay qabtey cudurka keena Aydhiska ayaa arin naxdina ka ...

Dawlada Turkiga oo bixisay dhul laga dhisi doono safaarada Somaliya: SAWIRO

March, 16, 2018
Dawlada Turkiga ayaa bixisay dhul laga dhisi doono safaarada ...

Degmo labaad oo amaro ka soo saartey arimaha guurka

March, 16, 2018
Degmo labaad ayaa amaro ka soo saartey arimaha guurka. ...

Aduunyadu waxay nagu tiraa xageen reer Awdal wax u marinaa: Prof C/samad Nageeye

March, 15, 2018
Aduunyadu waxay nagu tiraa xageen reer Awdal wax ...

Dhacdo aad u naxdinleh: gabadh arooskeedii isku diyaarinaysa oo la diley iyo goobta

March, 12, 2018
Gabadh arooskeedii isku diyaarinaysa ayaa la diley. Dilkan aadka ...

Deegaanada Araabi, Jabanta, Dhoqle iyo nawaaxiga u dhow oo nimcada RABI ka da’dey

March, 3, 2018
Deegaanada Araabi, Jabanta, Dhoqle ee ismaamulka Somalida iyo ...