Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Wax ma qabsan karnaa inagoo dawlad wax ka sugin?? Gurmad-qaran

Barnaamijkan Gurmad Qaran, waa Barnaamij baaxad weyn oo ka soo bilowday koox dhalinyaro ah oo is abaabushay, kadib xasuuqii lagu dhammaaday ee Sabtidii 14-kii October lagu gumaadey dadkeena magaalada Muqdisho.



Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa ay sameynayaan in intii karaankooda ah ay gacan siiyaan Ehelada dadkii ku waxyeeloobay xasuuqaas, kaasi oo sababay in dadka qaar uu jirkooda bedelmo oo ay kala go’aan.

Dhalinyaradan oo ku shaqeysa xaruntii hore ee Hargaha iyo saamaha ayaa waxaa ay sameeyaan in ay uruuriyaan xogta la xiriirta Qaraxa, in dadka dhaawacyada ah ay dhiig u shubaan iyo in ehelada raadineysa dadkooda ay isku xiraan.



Muna Xasan Maxamed waxa ay ka mid tahay Dhalinyarada Gurmad Qaran, waxa ay sharaxday inta qeyb ee ay ka kooban dhalinyarada ka shaqeyneysa Barnaamijka Gurmad Qaran.

Dhalinyarada Gurmad Qaran ayaa sidoo kale sheegay in isbitaalada inta badan ee ku yaalla Muqdisho ay la shaqeynayaan, qaarkoodna ay lacag la’aan ka dhigeen adeegyada ay bixinayaan, waxayna intaas ku dareen in ay wadaan kala sooc ku aadan dadka Isbitaalada ku jira ee u baahan raashiinka iyo Daawada.



Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo booqday Xarunta Gurmad Qaran ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qaraxii.

Tani waxay muujinaysaa haddii dadku fekeraan in ay wax badan wanaajin karaan ayagoo wax ka sugin dawlada oo hawlaheedu balaaran yihiin baahi kastana dabooli Karin.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...