Tuesday, April 16th, 2024
header










Meta







Xisbiga Wadani oo guul ku socda doorashada Somaliland maxaase laga filayaa isbedelse ma keeni karaa

Xisbiga Wadani ayaa guul ku socda doorashada Somaliland maxaase laga filayaa isbedelse ma keeni karaa. Doorashada maamulka Somaliland ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socota.

Markaad si saxa u fiiriyo nidaamka qabiilka ku dhisan ee loogu tartamayo maamulka Somaliland gobolada hoostaga waxa markiiba kuu soo baxaya in xisbiga Wadani guushu raacayso.



Tusaale Xisbiga Wadani ayaa ku xoogan Hargeysa, Boorama, Burco iyo Ceerigaabo halka xisbiga Kulmiye ay u soo hartey Hargeysa iyo hareeraheeda oo qayba, Awdal oo inyara iyo Burco oo inyara hadayba cod ka helaan.

Musharax xisbiga Kulmiye ayaa ah musharax lagu muransan yahay loona haysto dambiyo farabadan oo uu ka galay gobolada maamulka taas oo nidaamka qabiilka ka sokow si xun u dhaawacdey oo xataa keentay inuuna cod balaaran ka helin beeshiisa.



Suaasha aad iswaydiin karto ayaa ah maxaa laga filayaa Wadani isbedelse ma keeni karaa.??

Markaad fiiriso musharaxa xisbiga C/raxmaan Ciro waxaad is odhan kartaa waa qunyar socod ilaa hadda aan la fahmeyn nidaamka dawladnimo ee uu la imaan doono iyo in waxa loo socdaa ay tahay kuraasta hore bedel kuwo kalana keen.



Waxase laga fahmi karaa maamulka uu la yimaado iyo talaabooyinka uu qaado. Isbedelka ugu weyn ayaa noqon doona inuu isagu ka jawaabi doono suaalaha dadku u baahan yihiin halka Siilaanyo uuna wax shaqo ah ku lahayn maamulka uu ku magacownaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Ruushka oo tijaabiyay gantaal rajo tiraya difaaca Maraykanka

April, 13, 2024
Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa shaacisay inay tijaabisay ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...