Af-Miinshaar wuxuu ka koobanyahay laba eray oo kala ah AF iyo Miinshaar ( Prefix & Suffix” .Erayga Af-miinshaar wuxuu soo baxay 1958 waxaana curiyay Marxuum Cabdillahi Qarshe.
Goobtu waxay ahayd fadhi qayilaad ah oo ay ku arrinsanaayeen Halgamayaashii “Walaalo Hargeisa ” ee kasoo horjeeday gumaysiga Ingriiska. Abwaanada goobtaas fadhiyay waxa ka mid ahaa Marxuum Maxamed ismaciil “Barkhad Cas”; Marxuum Xussein Aw Faarax; Marxuum Cali Sugule ; Marxuum Cabdillahi Qarshe iyo qaar kale .
Halgamayaasha badankoodu waxay u shaqayn jireen dawladda siiba Radio Hargeisa. Waxa lagu amray inay ka hortagaan oo soo dhaweeyaan Duke of Gloucesster , oo ka socday Gumaysigi Ingriiska , kana soo degaayay Hargeisa.
Ujeedada socdaalkiisu waxay ahayd inuu xadhiga ka jaro Hargeisa Airport; State House; Hargeisa Municpality iyo mashruucyo kale.Kooxda “Walaalo Hargeisa “way kasoo horjeedeen in la qaabilo oo laga hortago ” Duke of Gloucesster ” , laakinse amar ayaa lagu siiyay.
Hadaba, ayaga oo arrinkaas ka tashaanyaa,waxa u soo galay nin la yidhahdo ” Adan “, oo hadal badan , hadal macaan, faan badan. Wuxuu halgamyaashii kula taliyay inay soo dhaweeyaan Duke of Gloucesster . Wuxuu u sheegay inmusharka loo kordhin doono, la dalacsiin doono, lacagna la siin doono.
Markii u hadalka dhameeyay , ayay ka codsadeen inuu dibedda uga yara baxo si ay go’aan u gaadhaan.Markii uu kadinka ka baxay, ayuu Cabdillahi Qarshe yidhi ” Waar Af-miinshaarkan ina helay muxuu ahaa ? “. Isla goobti waxa ereyo gole ka foo l ah ka tiriyay Marxuum Maxamed Ismaciil ” Barkhad Cas” . Wuxuu yidhi :
” Awoogay ninkii adoonsan jiray,
Ninkii aabahay indhaha ka riday,
Ninkii anigana I iibsaday,
Hadaan arkayoo ka aarsan karayn,
Hadaanan Aadanow unuunka jarayn,
Aan ooyee albaabka ii xidha “
Ereyga ” Af-miinshaar ” wuxuu kusoo baxay Adan oo ahaa nin muqayil ah , tumasho badan, hadal badan una adeegaayay dulmi , tacadi, boob iyo booli qaran.
Waxa maanta shabaha Prof Axmed ismaciil Samater oo ah nin hadal badan, faan badan, balwad badan,heesaha & qaraamiga jecel.Ninka jiray 70 sano , ee ku dhici waayay inuu qoys dhiso ” Still bachelor “, ma dhisi karaa qaran ?.
Ninka Xamar la tegay “Hiil Qaran ” ee Hargeisa kula soo noqday ” Hiil Qabiil” iyo inaadeerkay “ Saylici ” ayaan dhisayaa, ma dhise karaa Qaran ? Prof Samater waa ” Advanced Af-miinshaar ” ilbaxa oo leh ” Excellent Presentation Skills ” , laakinse aanay waxba uga hoosayn.
La soco qormada labaad ” Guul-Wade Cadaani “.
Drs. Hoodo Yusuf, London, UK.