6 Oromo ah ayaa lagu diley Jabuuti iyo Itoobiya oo daadguraynaysa dadkeeda in ka badan 3000 oo qof oo ku xaniban Jabuuti una baahan gargaar markii dilkani dhacay. Jabuuti ayaa cambaaraysay falka ka dhacay dalkeeda.
Wararka ayaa sheegaya in Jabuuti ka aargoosanaydo Oromada joogta dalkeeda kadib markii Diridhaba lahu diley dad Jabuutiyaaa oo dalxiis ku joogey oo markii dambe dib loo soo celiyay.
Iscunka Somalida iyo Oromada ayaa bilaabmey kadib markii taageerayaaaha Cabdi Iley ay bililiqo u bilaabeen Oromada deganayd Jigjiga gubeena guryahooda iyo hantidooda.
Waxa si deg dega dadkaas ugu soo gurmadey ciidanka Itoobiya. Cabdi Iley ayaa hadda la sheegay inuu ku xiran yahay gurigiisa ku yaala Addsi ababa.
Itoobiya ayaa qorsheysa inay soo daadgureysa dadkaas oo gaaraya 3000 oo hadda u cararay xaafada Canfarta dean tahay ee Arxiba.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS