X

8 shay oo aan XAJISAN karno Ramadaanka kadib

Ayadoo berito aan isku diyaarinayno maalinta weyn ee Ciida inagoo soo soonay 29 cisho, waxa dhici karta in tusaalooyinkii iyo ficiladii fiicnaa ee bishaa aan la nimi aan ka tagno qaarkood oo sheydaan iyo hawlaha aduunyadu ina wareeriyaan. Hadaba si taasi inoogu dhicin waxaan la imaan kartaa 8 shay oo joogto aan ka dhigi karno inkastoo Muslim ahaan ay caadaba inoo tahay.


1- Shanta salaad oo waqtigooda la tukado

Laga yaabe inaad is tiraa oo salaada muxuu ugu daray waa run oo salaadu waa tiir weyn oo diinteena ah hadana waxa dhici karta in  dadka qaarkood xilliga Ramadaanka ayna shanta salaadood xilligooda dhaafin laakiin bacda Ramadaan ay QALE ku tukadaan.


2-Ilaali hadalkaaga

Midan aad ayay u adagtahay hadana afkaaga oo aad ilaaliso iyo xubnahaaga taran waxay kuu hogaamiyaan janada. Markaasi ku dadaal in aad muujiso ixtiraam saa’ida oo dadku kaa nabad galaan. Markasta ilaali sidaad dadka ula hadasho. Hadalkana kiisa macaan dooro.

3-La saaxiib Quraanka

Dadka qaarkood ayaa bisha soon dhameeyay Quraanka. Bacda Ramadaan yaan laga caajisin hana lagu dadaalo in la fahmo macnaha si uu kuu anfaco.


4-Bixinta sadaqada

Hadaad sadaqada xoog u bixisay bishii Ramadaan. Haka caajisin in aad halkii ka sii wado haddii aanad sadaqo lacageed awoodina waxaad samayn kartaa adoo si kale u caawiya dadka.

5-Dikriga Alle

Dikriga Alle iyo xasuusta RABI haddii xilligii Ramadaanka aad u badnaa oo iimaankaagu aad u sareeyay. Bacda Ramadaan halkii ka sii wad waayo Alle oo aad ku xirnaato waa nolosha oo ku fududaata.

6- Dambi dhaaf weydiiso RABI


Aan is xasuusino bani aadam ayan nahay dembi iyo waxkasta waa inaga dhacaa haddana Alle wuxuu ugu jecelyahay kan u soo noqda ee weydiista dembi dhaaf. Had iyo jeer u noqo RABIGAAGA. Hadaad xiriir cusub samaysay oo ehelada ah halkii ka si wad.

7- Badi mahadnaqa

Allaheena ina abuurey ee nafta uu ina geliyay inagu jirto aan u mahadcelino nimcooyinka faraha badan ee uu inagu manaystey ee aynan ogeyn ee aan u qaadanay kuwo uu inagala noqon karin.

8-Hala soomo


Soonku Ramadaanka kaliya maaha ee waxa muhiima qofkii awooda inuu caadaysto in sanadka intuu awoodo ka soomo ama xataa bilaha dhexdooda. Faaiidooyinka ku jira ayaa aad u farabadan.

Ilaah ha inaga dhigo kuwii ka faaaiideystay bishii barakaysneyd ee Ramadaan. Sideedan maaha kaliya inta aan samayn karno Ramadaan kadib laakiin waa tusaale aan nafteena u diideyno in sheydaan inaga soo dhexgalo xasuusta RABI iyo cibaadadeena.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.