X

Aabihii Somaliyeed ee laga soo masaafurinaayay Kanada oo war farxadle loo sheegay

Aabihii Somaliyeed ee laga soo masaafurinaayay Kanada ayaa war farxadle loo sheegay. Yuusuf Maadey Maxamed oo lagu helay inuu Kanada ku soo galay baasaboor Kiiniyaana ayay ahayd in shalay oo Isniina lagu celiyo Kiiniya.



Xildhibaanka laga soo doorto xaafada uu degan yahay aabahan Somaliyeed ayaa gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeen ee Alberta u sheegay in Yuusuf Maadey loo ogolaadey inuu sii joogo Kanada inta la eegayo dacwadiisa.

Yuusuf Maadey ayaa hadda ku doodaya in aan reerkiisa la kala kaxayn, dacwadaas oo ah dacwad adag inkastoo baasaboorka Kiiniya ee uu dalka ku soo galay ay ka dhigan tahay in aanu Somali aayn.



”Weligey sidaan u ooyay farxad awgeed maanta kahor uma ooyin xata shaatigeyga ayay qoysay ilmadeyda ayuu Yuusuf Maadey u sheegay saxaafada.

Wuxuuna intaas raaciyay in hadda hawsha u taala ay tahay in aan cadeeyo Somalinimadeyda ayuu yiri Yuusuf Maadey.

Muwaadinkan ayaa afar caruura iyo xaaskiisa ay joogaan Kanada. Xaaskiisa Xaliima ayaa Iyana si qiire leh uga hadashay dhibka ay keenayso in ninkeeda laga masaafuriyo.



”Anagana maa nagu dartaan mar hadaa nakala tuureysaan ayay tiri Xaliima Ibrahim oo ka ilmeysay kala kaxaynta iyada iyo ninkeeda oo sadex caruura ay u dhashay halka gabadh kale uu ka dhalay xaaskale.

Si kastaba ha ahaatee dacwadan Yuusuf Maadey oo jaaliyada iyo xildhibaanadu ka shaqeeyeen ayaa u muuqata in la eegi doono dhinaca bani-aadamnimada loona ogolaan doono in uu la joogo qoyskiisa si rasmiya.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.