X

Aabo si murugo leh uga hadlay ilmo saqiira oo ku badbaaday laabta hooyadii

Waxa Yuhuudu shalay xasuuqday qoys ka kooban 9 qof oo ku jira xero qaxootiya oo u dhow Qaasa. Qoyskan ayaa Yuhuudu si toosa ula beegsatay gantaal ayadoo og in goobtu tahay xero qaxootiya. Haddaba qoyskaas ka kooban 10-ka qof waxa ka badbaaday ilmo yar oo saqiira oo hooyadii laabta ku qarisay.


Aabaha ilmahan dhalay ayaa si murugo leh uga hadlay kadib markii isaga KELIYA laga soo jiiday burburka gurigaas oo ay ku dhinteen hooyadii iyo 6 kale oo ay waaalo yihiin.

Sidee qoyskani u tageen xerada qaxootiga

Waxay ahayd maalintii ciidii kadib markii caruurtu dalbadeen inay u tageen ilma adeeradood oo ku nool xerada qaxootiga. Waanan u fasaxay waxana is wada raacay dhamaantood gurigana waxa ku haray aniga oo keliya.


Dagaalkii ayaa bilaabmay waxaanan ku iri soo baxa marka waxayse iga codsadeen inay sii joogaan ana waxaan ku iri haye. Waxa i soo gaaray warka naxdinta leh ee ah in gurigii ina adeerkay la duqeeyay, intii aan ordi karay ayaan cararay si aan goobta u gaaro ayuu yiri aabaha masiibadan ku dhacday oo oohin is celin waayay.


Waxa kadib la soo faqay burburka gurigaas oo markii dambe loogu tagey ilmaha yar ee saqiirka oo hoosta uga jira laabta hooyadii oo dhimatey iyadu. Waxa isaga dhaawac ka soo gaaray lugaha iyo wejiga oo nabaro kaga yaaleen.

”Aabo adi keliya ayaan hadda ku haystaa ayuu aabuhu ku yiri cunugiisa oo nabaro wejiga ka buuxaan isagoo aad u murugeysan ilmana ka da’ayso.


Ilmaha saqiirka ayaa isbitaal ku jira hadda waxana aabuhu rajaynayaa inuu caafimaad buuxa helo si uu u korsado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.