Aabo Somaliyeed ayaa maanta laga masaafurinaayaa dalkaasi Kanada oo uu la midoobey xaaskiisa iyo caruurtiisa oo iyaga la siiyay dhalashada dalkaasi. Waaxda jinsiyadaha ayaa ku heshay inuu watey baasaboor Kiiniyaati ah kana yimi Kiiniya.
Ururka bulshada Ogaadeeniya ee ka dhisan goobta ninkan degan yahay ayaa iyagu sheegay inay cadayn karaan inuu ninkan oo hadda magaciisu yahay Yuusuf Maadey Maxamed yahay Somali.
Waxay dhinaca kale ku doodeen inay buuxaan Somali-Kiiniyaati badan oo wata baasaboor Kiiniyaati hadana la siiyay dhalasho dalkaasi ah loona ogolaadey qoxootinimo.
Waaxda jinsiyadaha ee Kanada ayaa u qabatey maanta oo Isniina in Yuusuf Maadey lagu celiyo Kiiniya. Yuusuf ayaa isagu sheegay in uu yahay Somali laguna celiyo dalkiisa hooyo halkii Kiniya lagu celin lahaa halkaas oo uu sheegay inuu jirdil kala kulmi doono.
Yuusuf ayaa intaas raaciyay inuu qaatey baasaboor Kiiniyaati markii uu ku jirey xerada qoxootiga ee IFO oo ay ku jiraan Somali badan oo ka soo qaxay dagaaladii dalka burburiyay si uu naftiisa uga badbaadiyo ugaarsiga ciidanka Kiiniya.
Si kastaba ha ahaatee welli ma cada in mirirka ugu dambeeya loo ogolaan doono in la fiiriyo dacwadiisa wada noolaanshaha oo welli socota.
Sawirka hoose waa Yuusuf, xaaskiisa iyo afar caruura oo uu dhalay
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS