X

Aargoosiga qabiil oo ku soo badanaya gobolka Mudug

Aargoosiga qabiil ayaa ku soo badanaya gobolka Mudug ayadoo nin xoolo dhaqato ah lagu dily gobolka xalay. Lama garanayo cida dilka gaysatey, waxase la xaqiijay in budhcadii dishey goobta ka carareen.


Ninkaas la dilay ayaa dadka deegaanka waxa ay Da’diisa ku sheegeen ilaa 35 Sanno jir. Mas’uuliyiin Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland weli kama hadlin dilkaas.

Meydka Ninka la dilay ayaa loo soo qaaday dhinaca deegaanka Bali Bulse, halkaas oo ay eheladiisa ku sugan yihiin.


Mudug ayaa waxa jira maamul xumo waxana ka hawlgala noocyo kala duwan oo argagixisadu ka mid tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.