X

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka oo war ka soo saaray weerar ay qaadeen

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa war ka soo saaray weerar ay qaadeen. Abaanduulaha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duleedka deegaanka Basra ee Sh/dhexe uu iska horimaad kooban ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa argagixisada.



Wuxuu xaqiijiyey abaanduulaha in halkaasi ay ku dileen Saddex kamid ah argagixisada shabaab halka Afar kalena laga dhaawacay.

Waxa uu tilmaamay abaanduule Caanood in howlgalladan ka socda Labada Shabelle ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah koxda gaaleynta muslimiinta ee la baxdey shabaab.



Abaanduuler caanood ma sheegin in khasaare iyaga soo gaaray.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.