X

Abaanduule Caanood oo shaaciyay magacyada argagixiso lagu diley Sh Hoose

Abaanduule Caanood ayaa shaaciyay magacyada argagixiso lagu diley Sh Hoose. Abaandulaha oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay howlgalkan in ay iska kaashadeen ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya, laguna dilay ilaa Saddex sarkaal oo lagu kala magacaabo Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale), Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Muuse Cali Gaabow.



“Waxaa Alle mahadiis ah, in uu Alle nagu guuleeyay howlgal ka dhacay deegaan u dhaw degmada Bariire, waxaan ku beegsanay koox ka tirsan cadowga, waxaan ku dilnay ilaa Saddex horjooge iyo dagaalyahano kooxdda ka tirsanaa, waxaa si wadajir ah howlgalkan u fuliyay ciidanka Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka.” Ayuu yiri Gen.Caanood.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.