Gobolka Awdal gaar ahaan nawaaxiga caasimadiisa Boorama ila Dilla waxaa lagu yaqaanay cagaar aad u qurxubadan xilliyadii dalku dhisnaa,,laakiin intii ka dambeysa burburka waxa geedihii xaalufiyay reer baadiyaha iyadoo ayna jirin dawlad ilaalisa hantida qaranka. Qayb ahaan waxa dadku u aaneeyaan hantida qaranka ee luntey ee ilaa hadda ayna jirin dawlad dadka u adeegta.
Dhaqaalaha gobolka Awdal ayaa aad u liitey aadna uga hooseeya gobolka Woqooyi Galbeed ee la jaarka ah halkaas oo reer Boorama u shaqo tagaan maadaama ay taalo lacagtii loogu talogalay magaca ”Somaliland” ee loogu talogalay in wax looga qabto ugu yaraan biyaha.
Gobolka ayaa xaga siyaasada aad u liita oo dadka badankoodu ku tiriyaan in ayna dhinacna haysan oo lagu seexiyo waxaa tihiin ”hooyadii Somaliland” waana qalad in cid kale eeda la saaro.
Waxa magaalada caasimada ka jirta biyo yaraan taas oo yaraysey shaqadii guri dhisida oo ah meelaha ugu roon ee shaqaalaha xamaalatada ahi ka helaan nolol maalmeedka.
Inkastoo magaalada uu shalay roob u da’ay hadana waa biyo aan laga faaiideysan taasoo mar labaad ay keento maamul xumada guud ee haysata gobolka.
Waxase jirta AWOOD reer Awdal aan cidina ka xigin gaar ahaan dadka shacabka ah ee dhibaateysan oo ah in RABIGOODA ay waydiistaan in uu raxmad joogto ah u shubo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM