X

Abwaan suugaan yahan Cabdullaahi Sooraan iyo fanaanada Siciido Cabdi Muuse oo ku kala geeriyoodey Hargeysa iyo Sweden

Waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyoodey abwaan Cabdullaahi Sooraan oo muddo ku xanuusanaa magaalada. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Diiriye Cali “Sooraan” oo ah Abwaan Soomaaliyeed, isla markaana suugaan kala duwan soo curiyay, waxayna Alle uga baryeen in uu Janada ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee  waxaa sidoo kale Sweden ku  geeriyooyatay  fanaanada Saciido  Cabdi Muuse oo ka mid ahayd aas aasayaashii Fanaaniinta kooxda  Heegan  ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa tacsi la mid ah u dirtay ehelada iyo saxaabta ay ka geeriyootay Marxuum Saciido Cabdi Muuse oo dalka Sweden ku geeriyootay.

Gaashaanle Aadan Axmed Cumar “Aadan biid” oo ah taliyaha kooxda Heegan ayaa tacsi u diray Qaraabada iyo ehelada ay ka geeriyootay Marxuum Saciido Cabdi Muuse oo ka mid ahayd aas aasayaasha fanaaniinta kooxda Heegan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.