Aduunka ayaa la tacaalaya 12 wiil iyo macalinkooda oo laga helay gunta buur hoosteed kadib markii la waayay muddo 10 cisho ah dalkaasi Tayland. Wiilashan oo tabcaansan oo gaajoonaya ayaa ku jira gunta buur hoosteed oo biyuhuna maraan.
Khuburada biyaha ku quusa iyo kuwa buuraha fuula ayaa iskugu tagey sidey wiilashan uga soo saari lahaayeen buurtan gunteeda oo hoos loogu dhaadhacayo ilaa 2 mayl si loo gaaro halka wiilasha laga helay.
Wiilashan iyo macalinkooda oo muddo la waayay ayaa la helay baaskiiladooda afaafka hog hoos u qodan oo biyaha buuruhuna ku dhacaan. Wiilashan iyo macalinkooda ayaa hoy ka dayay meel yara saraysa oo ka mida Hogan hoosta u dheer.
Khuburada Tayland ee biyaha quusa ayay ku qaadatay lix saacadood oo sii socoda iyo shan saacadood oo soo noqoda inay ku gaaraan goobta wiilashu miciin badeen maadaama sii socodku yahay dhib lana hoosmarayo dhagxaan iyo biyo is wada haysta.
Khuburada ayaa isku raacay in ay halis tahay sidii loo soo saari lahaa xilligan ayadoo laga baqayo in beri ilaa sahan dambe uu da’o roobkii Mansuunka kaas oo biyo farabadan dhigi doona Hogan wiilashu ku jiraan, oo xataa laga baqayo in biyuhu soo gaaraan halkey hadda fadhiyaan.
Waxaan ka ordaynaa in roobku nagu soo gaaro ayuu yiri badhasaabka gobolka wiilashani ku jiraan gunta buur hoosteeda.
Waxaan ka fekeraynaa in aan daloolino dhulka ilaa aan gaarno halka wiilasha fadhiyaan laakiin khatarteeda ayay leedahay ayuu sii raaciyay.
Waxa la is waydiinaya inuu Jiro dhuun kale oo ka dhow tan imika laga galayo hoga, maadaama wiilashu helayaan hawo lagu neefsado oo aan jirin dhuuntan dheer ee biyuhu fadhiyaan ee hadda lagu gaarayo wiilasha.
Khuburada Maraykanka ee iyaguna ka qaybqaadanaya ayaa leh waxa yar hadda rajada noo furan si aan u soo saarno wiilashan.
Waxa la isku dayay in biyaha laga saaro godkan dheer ee labada mayla si wiilasha loo soo mariyo dhooqada. Si kastaba ha ahaatee waxa goor dhaweyd dhintey mid ka mida raga badbaadada ku jirey kadib markii hawadii neefsashadu kaga dhamaatey biyaha dhexdeeda.
La soco sida ay ku dhamaato badbaadinta wiilashan iyo macalinkooda oo hadda ay ku biireen muslimiin lagu yaqaano buuro iyo hogag u dhaadhicida dalkaasi Tayland.
Maabka hoose waa halka laga helay wiilasha iyo afaafka hoga.
Sawirada kale waa wiilasha oo tabcaansan oo fadhiya gunta buur hoosteed hoosna u qodan laba mayl
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS