Dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Afar qof oo ganacsato Soomaali ah ay dhinteen ka dib markii dab uu qabsaday goobtooda ganacsi.
Dhawaan ayaa ganacsade Soomaaliyeed sidoo kale lagu dhex gubay goobtiisa ganacsi.
Weli ma cadda in dukaankan dab la qabadsiiyay iyo inuu gudaha ka kacay, laakiin horey falal Somali lagu gubay ayaa ka dhacay Gobolka Eastern Cape.
Wariyaha codka Maraykanka Caasha Ibrahim Aaden ayaa dhacdadan ka wareysatay, mid ka mid ah Masuuliyiinta jaaliyadda Somalida ee gobolka Eastern Cape, Muxiyadiin Nuur Jileey.
Muxiyadiin Diin Nuur oo ah dadka degan magaalada Cape Town isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Walaahi Ilaahay uunbaa og afar qof ayay ahaayeen afartoodina waa ay dhinteen, markii wax la qiimeeyayna waxaa noo soo baxday boqolkiiba todobaatan in dabkani uu ka kacay Jikada, maxaa yeelay dukaanku dabaq ayuu ahaa hoosna tukaan ayuu ahaa, laba iyaga oo sariirta saran ayaa maydkooda loogu tagay, midna sariirta ayuu ka soo dhacay, midna albaabka ayaa u furmi waayay”
“Hada ka hor ayaa sidan oo kale dad ugu dhinteen meesha oo dab qabsaday ay ku shufbeeleen, imikana kow nooma ahaa dad meesha ku gubtay”
Muxiyadiin isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Wiilashan ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Axmed Kurujow, Xuseen Cali iyo Cabdirashiid Xaaji Madoobe, saddexdaasi qaraabo ayay ahaayeen marxuunka kalena Aweys ayaa la odhan jiray isaguna koley waxaa ay wada shaqeynayeen waxaanay ahaayeen dad aan balwed laheyn iyo xumaan midna, dad ehelu diina oo ehelu cibaado ah ayay ahaayeen”
Maha markii ugu horeysay ee sidan oo kale dab u qabsado meherado ganacsi oo ku yaala dalka koonfur afrika oo ay dadku naf waayaan, waxaana sababtii dabkan dhalisay baadhaya laamaha amaanka ee dalka Koonfur Afrika.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS