X

Afhayeen ku xigeenka koowaad ee aqalka sare oo isna la doortey waase kuma

Waxa mardhow lagu dhawaaqay natiijada afhayeen ku xigeenka koowaad ee aqalka sare ee barlamaanka Somaliya iyadoo goor aan sii fogeyn la doortey afhayeenka aqalka sare.


Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) iyo Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaana ku tartamay xilkaas waxaana codka u badan helay Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo helay 30 Cod halka uu Cabdi Axmed Dhuxulow uu helay 22 Cod.


Guddiga ayaa ku dhawaaqay natiijada iyagoona sheegay in Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Aqalka Sare loo doortay Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari”.


Abshir Maxamed Bukhari ayaa ka soo jeeda Hawiye waana xildhibaan ka soo baxay Galmudug.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.